Wednesday, February 19, 2014

Wasiirka Warfaafinta oo u tafa xaytay sidii uu u tir tiri laha shaqalaha ka soo jeeda gobolka saaxil,


Wasiirka wasaarada warfaafinta c/laahi maxamed daahir cukuse ayaa ah wasiiradii saaxada siyasada ay ku soo dareen beesha ciisa muuse ee u dagalka adag kula jiro, cukuse ayaa abaal uga dhigay beeshii soo gardaadiisay dhinaca siyaasad.inuu ka guro wasaarad isago uga aargudanay marwada madaxweynaha jamhuuriyada somaliland,kadib markii ay ogaatay inuu cukuse ka gardaran yahay khadar cali gaas oo ah shaqsi xalal mirad ah, sidaan ka warqabno cukuse waxaa uu ku cel celin jiray  inuu cadalad ka samayn doono wasaarada warfaafinata, kaas oo aad uga faani jiray xaga saxafada isago isu tusaya mid ay lilaahi ka tahay cadalada  uu afka ka sheegayo balse, uurkuna mid taa ka duwan ku hayo . hadaba hadaynu isku dayno intii uu wasaarada joogay mudane cukuse,cadaladarada baahsan ee ka dhex taagan wasaarada warfaafinta.intii uu joogay.wasaarad warfaafintu waa wasaarad keliya ee laba agaasime oo isku xiga, oo hadana isku reer ah ay ka jirto,sida, ,Agaasimaha farsamada iyo ku xigeenkiisa oo isku jilib ah




Sido kale.agaasimaha idacad iyo madaxa idacada  quraanka oo isu adeera, ahna beesha cukuse ka soo jeedo,waxaa intaasiba ay ka dhaceen waa mudadii yarayd ee uu xilka hayay,isago kawarqaba inay jiran dadka familyga ahii inay wasaaradii ka dhigteen meel ay iyagu iska mamushan, balse  cukuse, shaqo ka dhigtay mareeyahay telefishinka qaranka iyo beesha degta gobolka saaxil, ee marwadu ka soo jeedo aano uu ka tirsanayo ku soo celintii khadar cali gaas, taasina ay sababtay agaasimihii keli ahaa eeay beesha ciisa muuse ku lahayd uu xilka ka qaaday, inbadan ayuu cukuse ku cel celiyey inuu dibu habayn ku samayn doono wasaarada warfaafinta, balse nasiib xumo dibu habayntii uu ku cel celin jirtay ay noqotay inuu ku sameyey  Agaasimihi wakalada wararka ee solna(mr axmed ciro)ceeb maha in qof shaqada laga eryo   balse isbedelka  hal qof lagu bilaabay laguna dhameeyay, ayaa noqday mid saaxada somaliland ku  cusub balse markii la rog rogay ay dabada la gashay marwada madaxweynaha, si uu uga aarguto, waxyaladka layaabka leh ee  aad la yaabayso iyadoo agaasimaha idacad ee radio hargeisa ee wasiirka isku beesha yihin, ay ku adkaatay in waraqaha akhriyo indho la’an soo foodsaarta balse dhakhatarka manhal lagu qalay,weli na xafiiskii ka shaqayanaya ,taasna  wasiir cukuse u yaqan cadalad, dhaman waxyalaha aan kor ku soo xusnay iyo qaarkale oo  badan oo aynu  si taxane ah u sheegi doono ayaa ka jira wasaarada warfaafinta,hadaba waa kuma cukuse, cukuse waa inankii yara ee maxamed xaaji ibraahim cigaal ilahay ha u naxariiste  siyasada baray, maanta abaal wuxuu uga dhigay inuu u tafa xayto sidii uu uga tir tiri laha wasaarada warfaafinta jsl, balse,wasiir cukuse iyo wasiir xigeenka warfaafinta oo isaga laftigiisu ah nin qabili ah kadib markuu aad ugu ololeyey in gebi ahanba xafiiska laga tuuro agaasimhi wakalada warark ee solna, mr axmed ciro, isagoo ku  tageerayey wasiir cukuse jagada in uu u gacan geliyo beesha dhul bahante, inkasto shaqaaluhu aad ugu han weynaaye wasiirku xigeenka c/waxid balse  uu isu rogay guulwade cukuse, ku taageera go’amada qaldan ee uu isk qadanayo.taasina  ay keentay niyad jab dad badan oo aad ugu kalsoona  inay ka gaabsadan,laakin waxaynu eegi doona halka ay iskula dabayn doonto wasaarada warfaafinta iyo cukuse ,,,,




Qalinkii:Axmed  Muuse Kayse




Email:axmedkayse@gmail.com




Berbera/Somaliland