Thursday, February 20, 2014

Falaga iyo Miisaanka Magacyada Dadka! By: M. Faarax


Xarafka ugu horeeya magacaaga ayaa Muujinaya Shakhsiyaddaada.




Waxa la ogaaday in Xarfaha ay ka bilaamaam Magacyada dadku ay muujiyaan ama tilmaan shakhsiyaddeed ka bixiyaan dabeecadaha qofka iyo shakhsiyadiisa.




Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in xarafka qofka magaciisu ka bilaamaa muujiyo shakhsiyadiisa.




Xarafka A   ‘Dadka magacoodu  A uu ku bilaabmo xarafka ugu horeeya waxa lagu xidhiidhiyaa inay yihiin Cilmi baadhayaasha, raaxo-raadinta, macalimiinta, torch sameeyayaal, waa kuwa tusa dadka dariiqa saxda ah, waa hogaamiyayaasha ,dhiirigaliyayaasha aragtida iyo rabitaanka, kuwaas oo ka warqaba awooda ay lee yihiin wixii ka dhalan kara, sidoo kale waxa lagu tilmaamaa inay u eegyihiin  ' jilayaasha ' cajiib ah nolosha iyo sidoo kale inay soo saari karaan  shaqsiyaadka ay doonayaan inaad aragto. Runtana Allaa og.




 




Dhanka kale, Qofka uu ku bilaabmo A  waxa khatar ku noqon kara kuwa uu u dadaalayo. Runtana Allaa og.




 




 Xarafka B. Wakiilka Caadifada iyo Qoysnimada




Dadka bilowga magacoodu uu yahay xarafka  B inay yihiin kuwo saaxiibtinimo fiican, xanaanayn, iyo wadaagista  guud ahaan waa dadka jecel qaraabadooda, waxa kale oo lagu xidhiidhiyaa dhinaca wada shaqeyn iyo edaab leh waana shaqsiyaad aad u qadarin mudan,  Waxay leeyihiin iino si ay u awoodaan in ay dareemaan dareenka dadka kale , waxa kale oo ay awoodaan in ay  muujiyaan xirfada dhexdhexaadinta qaarkood marka la xalinaayo xaaladaha murugsan, B, way garanayaan sida wax loo abaabulo iyo sida dadka loo daryeelo iyo raaxo,  iyo in darafkooda muhiim u tahay  Nabadda iyo wada noolaanshaha. Runtana Allaa og.




 




Dhanka kale (negative side), B  waxay noqon karaan mararka qaarkood kuwo faan-badan oo yara damaaciya. Runtana Allaa og.
 




Xarafka C. Dadka bilowga magacoodu yahay xarafka  C inay yihiin dadka nasiibka badan, iyo hoodo, bulshaawina ah,  waa dadka inta badan rajada ka eega dhinaca wanaagsan iyo xamaasad dhabta ah eek u saabsan nolol ku noolaanshaha, waxa caado u ah inay jeclaadaan waa kuwa uu xarafka ugu horeeyaa uu ku bilaabmo C  sababtoo ah guud ahaan waa kuwo soo jiidasho badan, iyo sheekeeye fiican ,  inta badan waxa lagu xidhiidhiyaa inay leeyihiin awood dabiiciya gacan siinta iyo dhiirigalinta dadka kale,  si fiican bay wax uga qabtaan meelaha kuwaasoo si fiican uga  faa'iideeya kartidooda iyo xirfadahooda. Runtana Allaa og.  




 




Dhanka  Kale, (Negative side) C dadkaasi waxay noqon karaan kuwo aan nasan iyo axmaq mararka qaarkood. Runtana Allaa og.




 




Xarafka D. Waa wakiilka Dheelitirka iyo Shaqada adag.




Dadka bilowga magacoodu yihiin B inay yihiin kuwa awooda tamartoodu badan tahay oo shaqo badan qaban kara, laakiin intooda badani way helaan guusha noloshooda, waa kuwo dareensan inay dhameystirka dhismaha dhidibada u adkeeyaan, iyo kuwa ku xayndaabsan, khaasatan qoyskiisa. Runtana Allaa og.




 




Dhanka  Kale, (Negative side) D dadkaasi waxay noqon karaan kuwo Macangag ah oo dadka kale naftooda wax-yeela . Runtana Allaa og.




 




Xarafka E. Dadka bilowga magacoodu yahay  E inay yihiin waa Qof-diiran qallafsan , oo jecayl iyo naxariis leh, ama mid debecsan,  Iyadoo Xarafka E ka bilabmo magacoodu waxay had iyo jeer raadsadaan farax, mararka qaarkood waxoogaa khatarta ah ayaa ka yimaada waxay turjumaan, iyo in ay yihiin inta badan dad khayaali ah oo aan si caadiya u fikirin, laakiin waxay si dabiici ah u awoodaan inay xaliyaan dhibaatooyinka qalafsan si fudud. waxa lala xidhiidhiyaa inay yihiin  mufakiriinta, goobjoogayaasha,  sidoo kale inay yihiin kuwo xariif ah oo hadana isu cadow ah, laakiin waxay awood u leeyihiin in ay si wanaagsan u sameeyaan waxyaabo badan . Runtana Allaa og.




 




Dhinaca kale (Negative side), Qofka uu ku billaabmo magaciisu xarafka E inay yihiin kuwo aan la isku haleyn Karin iyo waxoogaa qab leh. Runtana Allaa og.




 




Xarafka F. Dadka bilowga magacoodu uu ku bilaabmo xarafka  F inay yihiin shakhsiyad Daacad ah oo Naxariis badan, Daryeel leh, masuul, ka hadla arimaha qoyska, Awooda u leh inuu jidhkiisu iska difaaco cudurada, akhlaaq leh, qof diiran oo qalafsan, xalin-og khilaafaadka, farshaxanmiinta, si fudud u socda, jecel caruurta iyo xayawaanka, xarafka  F waa lagu tiriyaa dadka ku dadaala nabadda iyo wada noolaanshaha, inta badan waxa lala xidhiidhiyaa inay yihiin kuwo u baahan gargaar iyo qalbiqaboojin.




 




sidoo kale waxay yihiin kuwo dareenkoodu si qoto dheer ama weyn wax u fahamikara, waxay inta badan doonaan in la dhowro xaalada dheelitirka iyo wada noolaanshaha, kuwaasoo soo saara in baahi looqabo dhinaca illaalinta ama la iska ogaado dadka kale, waana dad deeqsi u ah asxaabta iyo qoyskooda si baarri ah oo masuuliyadi ku dheehan tahay. Runtana Allaa og.




 




Dhinaca kale (Negative Side)  Xarafka F,  Dadku waxay noqon karaan qof xaalad adag gala. Runtana Allaa og.





 




Xarafka G. Wakiilka ruuxiga iyo waayo arragnimada Diinta, Dadka bilowga magacoodu yihiin G inay yihiin  maskaxaha degdeg ah oo wanaagsan, khaasatan waa kuwo baadhitaan wanaagsan sameeya ka dibna runta ogaada, waxa lagu tiriyaa kuwo wax indhoindheeya laakiin marka si qoto dheer wax u fahmaan carara,  waa kuwa aad wax u falan-qeeya, Dadka bilowga magacoodu yihiin G waxa la xidhiidhiyaa inay yihiin khayaali, hal abuur leh , xeeldheer oo waxtar leh, sidoo kale waxa noqdaan garsoorayaasha ama kuwa wax dhaliila  xaqiiqada xaaladahoo dhan. waxa kale oo uu xiiseeyaa dabeecada ruuxiga ama koradhka darajada. Runtana Allaa og.




 




Dhinaca Kale(Negative side), G’da maaha mid dadka kale talladooda  si fiican u dhageysta. Runtana Allaa og.




 




Xarafka H. Dadka  magacoodu uu ka bilaabmo xarafka H inay yihiin dadka aragtida fog ee  wax u arka sida sawirka weyn,  kuwaas oo si dhab ah u soo taabta xaqiiqada nolosha,  mufakiriinta,  sidoo kale waxay noqdaan hogaamiyayaasha xukuumadaha, haddaba dadka magacoodu uu ku bilaabmo xarafka H waa dad ujeedadoodu tahay guusha nolosha,   Waxay si toos ah u karaan in  maankoodu uu siiyo gargaar aadamaha si loo gaadho liibaan sarre, waa kuwo ku sugan xasilooni,  hufnaan oo la isku haleyn karro, waxa dadka kale doonayaan. Runtana Allaa og.




 




Dhinaca Kale (Negatively),  Dadka magacoodu uu ku bilaabmo xarafka ugu horeeyaa H waxay noqdaan  kuwo faan badan iyo damaaci. Runtana Allaa og.
 




 




Xarafka I. wakiilka sharciga iyo kala dambeynta waana xasaasi




 




 Dadka bilowga magacoodu yihiin I inay yihiin kuwo naxariis badan iyo biniaadan ah,waa ducayeelka kuwaasoo u Allabarya kuwa nasiibka xun naftoodu, waa kuwo ku xidhan dadka maskaxda badan, Farshaxanka, xeel-dheerayaasha, iyo dhaqaalaha ku bixiya u dagaalanka cadaalada, waxa lala xidhiidhiyaa inay yihiin nabad-doonka, barbaariye, dhexdhexaadiye, heshiisiiye,  sidoo kale waxa lagu tilmaamaa inay dadka si fiican ugu shaqeeyaan iyo gaar ahaan waxa aad looga dareemaa soo dhaweyn wanaagsan marka gurigiisa dadka kale ku booqdaan,  si baniaadamnimo ah ayuu u siiyaa wakhtigiisa, waa kuwa lagu tiriyo kuwa jecel guusha oo neceb khilaafka, shaki weyn baa kaga dhaca in dadku fahmaan ama ay dareemaan wixii dhibaato ah eek u iman karta saaxiibtinimada ama waxyeelanysa dadka jecel inay la kulmaan ama uu caawinayo. Runtana Allaa og.




 




 




Dhinaca kale (negative side), Dadka xarafka ugu horeeya uu yahay I waxay noqon karaan coon ama xanuunka cadhada leh iyo niyad xun. Runtana Allaa og.




 




Xarafka J. Dadka xarafka J bilowga uu ku bilaabmo magacoodu waxa lala xidhiidhiyaa inay jecel yihiin inay noqdaan masuuliyiin  taasi ha noqoto wax ka hor imanaya ama muuqaalka ka dambeeya, kuwaasi waxay jecel yihiin inay xakameeyaan guud ahaanba oo aad loo hubaa naftooda, haddii ay xaqiiq tahay kuwaasi maaha iyaga waa sida ay rumaysanyihiin inay yihiin kuwa sidaas sameeya,




J’ waxay noqon karaan jilayaasha wax iftiimiya  nolosha iyo inay dhigi karaan shaqsiyada  kuwaasoo dadka kale ay ku faraxsan yihiin inay arkaan.




 




Dadka magacoodu uu ku bilaabmo xarafka J waxa lagu tiriyaa inay noqdaan Hal-adayg, Iskii wax ubilaaba kaasoo kaligii ah oo u fikira sida asalkii dadkii hore,  kaasoo abuura habka xalinta-khilaafaadka iyo bilowga wax qabad,  J’du  waxa lagu tiriyaa kuwo leh dhaqan-wanaagsan, balan leh iyo qof shaqo-adag qaban kara, wax sharxi kara iyo waxna aan dhaafin, macnaha kani wuxuu noqon karaa mararka qaarkood  taa dadka kale, laga yaabee inay tahay hawl adag  in la dhowro, khaasatan haddii kuwaasi ay yihiin masuuliyiin.




 




Dadka magacoodu uu ku bilaabmo xarafka J sidoo kale waxay noqon karaan kuwo  han yar leh, go’aan leh, isku-kalsoon,iskuna filan,  xoog u dhaygagida guusha iyo dhiirigalinta xukunkooda.




dhiirigaliyayaal, aragti maskaxeed, waa kuwo ka warqaba awooda ay leeyihiin, aamin ah, taliye, caqli badan. Runtana Allaa og.




 




Dhinaca kale (negative side), Dadka xarafka ugu horeeya uu yahay J waxay noqon karaan caajisiin iyo Asqow ama dham’aya. Runtana Allaa og.




 




Xarafka K. Dadka bilowga magacoodu yihiin k waxa lala xidhiidhiyaa inay noqdaan xagjir, dheelitirka  iyo wada-noolaasha, dhexdhexaad, nabadoon,caawiye, kuwaasi waxay awood u leeyihiin inay si fiican wanaag dadka kale shaqo fiican,  iskaashi, shaqsiyaad edeb iyo qadarin leh, Siyaabo badan ayey iyagu dadka kale ugu tiirsan yihiin iyo umuuqdaan in ay si wanaagsan u shaqeeyan ama  ama qaar ka mid ah qaab koox firfircoon.




 




ugu danbayn, waxa ay noqdaan kuwo runta sheega, kuwo ku nool waxay aaminsanyihiin, asalka dareenkooduna amar bixiya, kuwaas inta badan waxa loogu yeedhaa inay yihiin barbaariye iyo dadka kale taageera. Runtana Allaa og.




 




Dhinaca kale (negative side), Dadka xarafka ugu horeeya uu yahay K waxay noqon karaan kuwo aan ku qanacsaneyn nolosha iyo inta badan kaga yimaada cadhada ka soo baxda dadka kale.




 




Xarafka L.  Wakiilka Hal-abuurka, Isgaadhsiinta iyo wax-qabad, Dadka bilowga magacoodu uu ku bilaabmo xarafka L waxa lala xidhiidhiyaa burjiga illi maqabatayga ah, bulshaawi maaweelad jacaylka, Xarafka L  kuwo is bedelka la qabsada iyo neceb midabka dhalaalaya eek u xeeran, sidoo kale waxa lagu tilmaamaa inay ku siiyaan kalmad and isgaadhsiinta sida waxyiga, faraxa, dhinaca wanaagsan iyo xiiseenta, xarafka L  waa kuwo jecel nolosha iyo doona inay dadka kale la waagaan rayiga, waa kuwo kaftan badan lehna dareen cajaayib ah, noocyada kala duwan ee isgaadhsiinta hibo u leh. Runtana Allaa og.




 




Dhinaca kale (negative side), Dadka xarafka ugu horeeya uu yahay L waxay noqon karaan kuwo u nugul wax- kasta oo shil ah. Runtana Allaa og.




 




Xarafka M. Wakiilka cibaadeysiga,Xasiloonida iyo Aassaaska adag, Dadka bilowga magacoodu ku bilaabmo xarafka ugu horeeya M ay yihiin guud ahaan kuwo daacad ah, shaqo adag iyo kuwo amaanka ku mashquulsan, oo leh qiyam dhaqameed iyo himilo sarre iyo anshax.




 




Dadka xarafka M waxa lala xidhiidhiyaa  inuu yahay heshiisiiye weyn oo isku-kalsoon , sidoo kale waxay jecel yihiin inay guul ka gaadhaan,  xarafka M waa kuwo warqaba guud ahaan shaqada siday u socoto, qorshohooda iyo wax kastoo la nidaamiyo way ogyihiin,  xarafka M waa kuwo shaqsiyan u baahan in wax-kastaa noqdo mid anshax leh iyo waana kuwa ugu heerka sareeya daacadnimada.




 




Dadka xarafka M waxay u eeg yihiin shaqsiyaad isku-tashi dhab ah leh kuwo u baahan wax kasta in sideeda loo soo taabto ama loo qabto, waanay u qabtaan, M ma doonaan in loo sheego waxay qabanayaan iyo si dhakhso ah waxa ku yimaada muran iyo si lamafilaan ah dagaalama marka lagu riixo in badana muujiyaan dulqaad iyo adkaysi, M, waa kuwo feejigan, oo aan bood –bood lahayn wax kastana aan ku degdegin,  M, waa kuwa doona in si qoto dheer wax kasta looga fikiro, dabadeedna  la sameeyo xukun ku saleysan oo nidaamkooda lagu qiimeeyo. Runtana Allaa og.




 




Dhinaca kale (negative side), Dadka xarafka ugu horeeya uu ku bilaabmo M waxay noqon karaan kuwo shaqada aan kaba nasan. Runtana Allaa og.




 




 




 




 




Xarafka N. waa Wakiilka Cabirka iyo Xorriyadda Dadka bilowga magacoodu yihiin xarafka N kuwo firfircoon, aan baqan, aan caadi ahayn,aan waxba saadaalin, dareenkoodu wuxuu soo jiitaa qaab-dhismeedkawaxa soo jiita aan seexan




 




Dadka xarafka N waxa lala xidhiidhiyaa  inay leeyihiin dabeecad dabagalka, waa kuwo caqli badan, waxna baadha waxna cabira, wayna soo dhaweeyaan haddii uu isbedel yimaado, waxay khibrad u leeyihiin siday u noolaan lahaayeen, waxay doonaan in fikirka xoriyadda lagu gaadhi karro ay tahay, in talaabo laqaado, fikraddo iyo hab nololeed, N, intooda badani caadi ma aha, dad badanina way daba socdaan, wax badan bay aqbalaan noocyadda kala duwan ee nolosha,  waana kuwa doona in xoriyaddooda rabitaankooda loogu sii daayo dariiqa ay doonayaan inay maraan,  sidoo kale ma jecelaystaan xaqiiqada joogtadda ah,  iyo inay helaan isbedel-joogta ah, dhaqdhaqaaqa noloshooda, taasoo illaalisa is bedbedalka hab-nololeedka.




 




waxa lagu tiriyaa waa kuwa xarafka N, inay leeyihiin dabacsanaan wayn oo aan kala jeclayn inay wax joogsadaan iyo inay kala socdaan jihooyinka kala duwan,  iyagu waxay xiiseeyaan in isbedelka la dhowro ayaa noloshooda cajiib u ah. Runtana Allaa og.




 




waa dadka bilowga xaraf N uu magacoodu ku bilaabmee waxa lagu tiriyaa inay yihiin kuwo dareen leh, iyo isgaadhsiin, laakiin ……




 




Dhinaca kale (negative side), Dadka xarafka N, inay noqdaan hidde qalal iyo maseyrka. Runtana Allaa og.




 




 




Xarafka O.  Hooyo, wakiilka masuuliyadda iyo shaqada, Dadka bilowga magacoodu uu ku bilaabmo xarafka O waxa lala xidhiidhiyaa inay yihiin Raadka-raaxadda, xamaaliinta, cilmi baadhayaasha iyo macalimiinta aduunka, waa kuwa dadka kale tusa dariiqada, waa hogaamiyayaal, dhiiri-galiyayaal iyo fikirka aragtida, waana kuwa ka warqaba awoodooda, O, waxay jecel yihiin waxay doonayaan inay ku guulaystaan, ababinta iyo ka hortaga, ruxanka aayaa saameyn wayn ku yeesha.




 




dadka magacoodu uu ku bilaabmo xaarafka ugu horeeyaa O, inay yihiin kuwo daacad, amar,cadaalad, dhaqaale, tallo iyo caqli leh, dadka ay isku nooca ay yihiina way jecel yihiin.




 




Dadka bilowga Xarafka  O’ waxa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa la dagaalama fikirkooda iyo maamulkooda iyo inay si aad u khusayso daryeelka dadka kale, O’ waxa lagu tilmaamaa in  qalbigooga shaki weyni ku yimaado gabi ahaanba,  waa kuwo si qoto-dheer leh u dareema  wax-kasta badanaa waxay ku saabsan yihiin, wakhtiyaadka qaarna si qoto-dheer  oo khatar ah iyo dareen wayni ku yimaado, ogaanshaha gudaha , sidoo kale waa kuwo fursado badan hela dhinaca nolosha oo ay bartay masuuliyadnimadoodu, iyo inay bixiyaan shaqooyin si biniaadanimo ah,




 




O’ waa kuwo si aada u rumeysta fikirka ay aaminsan yihiin inuu run yahay, xitaa haddii ay diidan yihiin iyo haddii ay doonayaan, macalin dawaarle ma noqdaan iyagu shaqsiyan daacad yihiin, waa lagu xidhnaan karaa, laguna kalsoonaan karaa, iyo wixii ku soo noqdana waa kuwo ka dalbada run iyo cadaalad yihiin gabi-ahaanba. Runtana Allaa og.




 




Dhinaca kale (negative side), Dadka xarafka O, waxay noqdaan baxsada ama xiliyada qaar boqorada ruwaayada. Runtana Allaa og.
 




 




Xarafka P. Wakiilka xikmada iyo cilmiga, Dadka bilowga magacoodu uu ku bilaabmo xaraf P waxa lala xidhiidhiyaa ama laga yaabaa inay ka fekeraan waxyaalaha ruuxiga iyo inay noqdaan mid aad u cajiib ah oo ku saabsan nolosha, Xarafka P wuxuu kuu sheegayaa inay aad u jecel yihiin xikmada iyo aqoonta si qoto dheerna ay wax u bartaan iyo kuwo awood u leh inay noqdaan macalimiin waaweyn dhinac kasta.




 




Xarafka P,  inta badan waxay jecel yihiin inay isticmaalaan dareenkooda si ay u helaan aqoon qoto-dheer oo aan la arkayn, tiirka iyo kaartada ruuxiga ah, P waa kuwo leh Darajada jamasho aad u xoogan iyo dhakhaatiirta dabiiciga ah,  xayndaabka sharciga, waa kuwo lagu yaqaan in si degdeg ah wax arkaan, mararka qaarkoodna kaftan dareen adag leh.




 




Qaarka ka dadka P ay lee yihiin hawo qarsoodi ah wixii isaga ku saabsan, mana doono in cidkale ay aad u ogaato shaqsiyadiisa, Waxay inta badan ka si aanay wax ugu iman uga  durkaan ay go'doomaan, Waxa inta badan laga yaabaa in ay ku adag tahay xisaabtu,  waxa ay ku fikiraan ama dareemaan wax kastoo la siiyo, waa kuwo intabadan naftooda illaaliya, wax kastoo lala galayo.




 P’ dadka isku xidhnaan karaa damiin iyo in aad dareentid sidii iyagoo aan waxba yihiin meel durugsan xiiseynayo waxa aad qabanayso ama iyagoo leh - laakiin dhab ahaan, waxay yihiin goobjoogayaasha aan xadka lahayn – iyaga lama khiyaamayn karro. Runtana Allaa og.




 




Dhanka kale (Negative side) Magaca dadka xarafka P ku billaabmo waxay noqon karaa daneyste, oo qolof leh waqtiyada qaar. Runtana Allaa og.




 




 




Xarafka Q. Wakiilka Assalnimada, Hantida iyo Xasiloonidda, Dadka xarafka Q bilowga magacoodu uu ku bilaabmo waxa lala xidhiidhiyaa inay isku dayi karaan wax kasta oo dadku qabtan, iyo waxay doonaan in la barto inay dadka kale wakiil ka yihiin, waxay la galaan heshiis weyn doonistooda, waa kuwo dhiiran, daacadnimo, runsheegnimo iyo xasiloonida dabiiciya leh, dadka bilowga xarafka Q ku bilaabmo magacooda Yoolkoodu waa in ay u shaqeeyaan sababaha ku keena aadanaha dawarsiga, bulshada, qaranka iyo in meerahaasi leeyahay.  sidoo kale waxay leeyihiin  dabeeca- falsafada, iyo inuu jiro rabitaan ah in la ogaado wax ku saabsan nolosha iyo ujeedadeeda. waxa kale oo xarafka Q uu leeyahay awood dabiiciya iyo ciidan xoog leh oo u gaadho hadafkiisa,  Xooganaantaas ay ku shaqeeyaan u eekaan kartaa mid dadka kale ku hafanayo.




 




 




iyo inay lagama maarmaan tahay in loo baahan hawlaha-binuaadanimada, hawlahaas waa kuwo u daacad ah, runsheeg iyo lagu tiirsan karro, haddal toosan iyo daacanimo leh, wax ogol yihiin inaad ogaato meesha aad ka taagan tahay wakhti kasta. Xarafka Q waa kuwo wax jeclaada iyo ku khushuucsan abaal-marinta dadaalkooda, waa kuwa u baahan inay hoos eegaan qiimaha dhabta kuwa u dhow iyo jaceyladoodu. Runtana Allaa og.




 




Dhanka kale (Negative side) Magaca dadka xarafka Q ku billaabmo waxay noqon karaa kuwo faan badan. Runtana Allaa og.




 




Xarafka R. Wakiilka Dulqaadka iyo Binuaadanimadda, Dadka bilowga xarafka R waxa lala xidhiidhiyaa shaqsiyaad dabeecad, xigmad, dareen diiran,iyo jacaylka gurriga, qoyska iyo saaxiibada, waana la jeclaystaa naxariistooda iyo taageeradooda, waa bogsiiyayaasha, barbaariyayaasha, mar walba faaido u leh dadka kale, tani waxay si xoog leh u saameysaa waa dadka xarafka R ku bilaabmo magacoodee inta badan waa kuwo raadiya xal u helida wacyiga aduunka,  waa dad dareen leh hal-abuurna ah. R yihiin kuwo hal abuur ah iyo farshaxanka beeraheedii iyo dhaqanka aad u xiiseeya, waxa laga yaabaa inay ku raaxaystaan ​​raaxo iyo leeyihiin mahadnaq ah quruxda nooc kasta, R’ waxay  noqon karaan kuwo samaafala,la taliyaha maayarka, waxa kale oo lagu tiriyaa kuwo ka horumariya horumarinta saaxiibtinimada, xiliyada qaarna la wadaaga is barbardhiga fikirka iyo tallooyinka nafta, sidoo kale barbaarinta iyo  shaqsiyaad ku celin kara xaraaradda lagalay, in si naxariis leh  loogu faa'ideeyo dhammaan dadka kale,  si kastaba ha ahaatee, waa dad ogol inay naftooda huraan ama ay noqdaan shuhado. Runtana Allaa og.




 




 




Dhanka kale (Negative side) Magaca dadka xarafka R  ku billaabmo waxay noqon karaa kuwo dhinac u janjeedha, ama ay yeeshaan  carooda-gaaban, ama si degdeg ah u giigsan iyo inay carabka ku adkeeyay inay isku dayaan in ay xaliyaan dhibaatooyinka dadka kale ee iyaga loogu talagalay. Runtana Allaa og.




 




 




 




Xarafka S. Wakiil Billow cusub iyo khayraad shakhsiya, haddaba Dadka bilowga magacoodu uu ku billaabmo xarafka S waxa lala xidhiidhiyaa inay noqon karaan kuwo himilo leh, go'aamiyo, is-kalsooni iyo isku filan, oo leh xagga doonista, si xoogana wax u dheehda  iyo xukun guubaabo ah, waa kuwo abuuri karra fikrado cusub iyo mashruuc cusub iyo inay doonayaa inay ogolaadaan in balaadhiyo, waa xarafka S’ da bilowga ah in ay dibadda u bax ku dhiirran, waa assalnimada iyo mana hadlaan.




 




Xarafka S waa kuwo u hanwey xidhiidhka labadaba Ganacsiga iyo Guurka, iyo xidhiidhka arrimaha bulshada dadka kale, waa dad saaxibtinimo wanaagsan leh, laakiin waxay ubaahdaan taageerida lamaanahooda, isku daacad ah, laakiin ma aha gaar ahaan jacay iyo raaxo, waxa lagu tiriyaa inay yihiin kuwo camal fiican muujinaya erayadoodu, sidoo kale inay noqdaan hogaamiye dabiiciya, kuwaas oo u baahda inay jecel yihiin inay ka muuqdaan mashraxa qoyska, waxay sida tan u arkaan taageero.




 




Buuxinta Socodka jacaylka hal-abuur, waa kuwo ogolaanaya in la weheliyo baahida loo qabo in caawinta aadamaha oo dhan, waa dadka bilowga magacoodu uu yahay xaraf S waxay noqdaan kuwo si dhab ah dadka ugu naxariista iyo diirimaadna leh, run sheeg, talliye iyo wax-garad. Runtana Allaa og.




 




Dhanka kale (Negative side) Magaca dadka xarafka S ku billaabmo waxay noqon karaa kuwo sameyn karra ficil degdeg ah iyagoo aan ka walaacin iyo inay haddalada dadka qaataan. Runtana Allaa og.




 La Soco




By: Maxamed faarax Axmed (Qoti)




Qoraa iyo Cilmi Baadhe.