Wednesday, February 19, 2014

25 qof oo ku dhinatay Shaqaaqooyinka Kiev, Ukraine


keiv1Ukraine (GNA) Magaalada Kiev ee caasimada dalka Ukraine oo bilihii lasoo dhaafay ka socdeen banaanbaxyo, ayaa shalay waxaa ka dhacay iska horimaadkii ugu weynaa oo ay ku dhinteen dad badan.




 




 




Dadka dhintay ayey ku jiraan 9 askari oo ka tirsan Booliiska, iyo hal suxufi, halka inta kale ay yihiin shacabka ka qeyb qaadanayey iska horimaadka ka dhacay Fagaaraha xoriyada ee magaalada Kiev.




keiv




 




 




 




 




 




Iska horimaadka ayaa bilowday kadib markii booliiska isku dayeen inay awood u adeegsadaan dadka banaanbaxa ka wada bartamaha caasimada, arrintaasi oo keentay in markii danbe gacanta la isula tago.




 




Waa tiradii ugu badneyd oo dad ah oo rabshado noocaan ah ku dhinta tan iyo intuu dalkaasi Xoriyada qaatay.




 




 




keav5




 




 




 




 




Dadaal lagu doonayey in xiisada lagu qaboojiyo ayaa fashilay kadib markii kulan kooban oo dhexmaray xalay Madaxweyne iyo hogaamiyayaasha mucaaridka uu ku dhamaaday natiijo la’aan.




 




Gobanimonews-Desk




Hargeysa/Somaliland