Cisbitaalka Burco oo lagu wareejinayo Hay’adda Coopi iyo Dhakhtarka Dhimirka oo daaweyn casri ah lagu sheegay
Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Togdheer oo ka waramay adeegyada Caafimaadka ee Cisbitaaladda Gobolka, adeeg casri ah oo lagu soo kordhiyay Cisbitaalka Dhimirka Burco iyo arrimo kale.dhegeyso
Burco(GNA)-Isu duwaha wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer ee Somaliland Dr. Cabdi Yaasiin, ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adda Coopi daboolayso qayb ka mida kharashaadkii horumarinta adeegyada Caafimaadka Cisbitaalka Burco ee ay joojisay Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.
Hay’adda MSF, ayaa bishii August ee sanadkii 2013-ka si lama filaan ah u joojisay hawlihii gaargaarka ee ay ka waday Gobollada Somalia iyo Somaliland sababo dhinaca amniga ah,ka dib muddo saddex sanadood ah oo ay gacanta ku haysay Cisbitaalka Burco.
Tan iyo markii ay Hay’adaasi joojisay taageeradii ay siin jirtay Cisbitaalkan, waxa kharashkii ay bixin jirtay qayb ka mid ah la wareegtay wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, taasoo bixinaysay mushaharka shaqaalihii ay Hay’addu gunayn jirtay iyo adeegyadii kale ee aasaasiga ahaa.
Hase ahaatee Isuduwaha wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Togdheer, ayaa tilmaamay in shaqaalihii Hay’addu mushaharka siin jirtay,qaarkood la dhimay, maadaama oo aanay dawladdu wada bixin Karin mushaharaadka Shaqaalahaasi.
Dr. Cabdi Yaasiin oo maanta waraysi siiyay Gobanimonews, ayaa dhinaca kale,faahfaahin dheer ka bixiyay heerka adeegyada Caafimaadka ee Gobolka Tpgdheer oo ay hoos yimaadaan Cisbitaalada Gobollada Oodweyne, Saraar iyo Buuhoodle.
“Afarta Gobo l ee Togdheer, Saraar, Buuhoodle iyo Oodweyne, waxa cisbitaal u ah Cisbitaalka Burco, way jiraan meelo badan oo MCH-yo ka dhisan yihiin oo adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah laga helayo.
Magaalada Burco waxa ku yaala Afar Cisbitaal, oo kala Cisbitaalka Guud ee Magaalada, Cisbitaalka Maandheeye ee dadka Dhibirka wax ka qaba loogu talo galay, Cisbitaalka Manhal oo qayb gaar loo leeyahay iyo qayb dawli ah isugu jirta iyo Cisbitaalka TB-da”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray isagoo warbixintiisa sii wata “Cisbitaalka Maandheeye waxa lagu soo kordhiyay Adeeg caafimaad oo dalka aan laga isticmaalin, kaasoo loo isticmaalayo adeega Skype-ka oo dhakhaatiir dibada joogtaa laba maalmood bukaanka ku daweeyaan.
Cisbitaalkaasi waxa iska kaashaday oo gacanta ku haysa Dawladda, waxaana gacan ka geysta dadka qurbo joogta ah ee reer Somaliland oo gacan wayn ka geysta, maamulkiisana waxa gacanta ku haya Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddida Caafimaadka Gobolka”.
Isuduwaha ayaa sidoo kale sheegay inay baahiyo caafimaad oo faro badani Gobolka ka jiraan, hase ahaatee wax badan la qabtay.”Baahiyo Caafimaad oo badan way ka jiraan Gobolka iyo Goboladda kale ee aanu maamulno, wax badan oo la qabtayna way jiraan waliba saddexdii sanadood ee Xukuumaddani jirtay, ayaa aad loo horumariyay adeegyada Caafimaadka”.
Isagoo ka waramaya Xaalada Cisbitaalka Burco iyo halka laga daboolayo taageeradii MSF siin jirtay, waxa uu yidhi “Cisbitaalka Burco laga bilaabo bishii August ee sanadkii hore waxa karashkii ay Hay’adda MSF ku caawin jirtay, markii ay baxday, la wareegtay dawladda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda Madaxtooyada oo dabooshay afar bilood kharashkooda, iminkana Hay’adda Coopi hore Mashaariic uga waday Gobolka, ayaa kala badh shaqaalihii MSF Mushaharka siin jirtay la wareegtay, wixii kalena dawladda ayaa iska dabaalanaysa”.
Dhinaca kale, wuxuu daboolka ka qaaday in sanadkan laga shaqaysiinayo saddex Cisbitaal oo ku kala yaala Magaalooyinka Caynaba, Buuhoodle iyo Oodweyne, kuwaasoo qayb ka ah Barmaamuj lagu tayaynayo adeegyada Caafimaadka ee Gobolka.
“sanadkan waxaanu rajeynaynaa in la dhiso Cisbitaalada Buuhoodle, Oodweyne iyo kuwo kale oo aanu doonayno inaanu Mashaariic Gobolka loogu talo galay oo ay Hay’addo naga caawinayaan ka looga helo kharash”
Waraysigan oo uu dhinacyo badan oo kale kaga Hadley isu duwe Yaasiin halkan ka dhegeyso isagoo dhamaystiran:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Dr.-Yaasiin.mp3"][/audio]