Marka Uu Socod barto,Ee uu Dabka baydh noqdo,ayuu bilaabaa Tuuryada(Shiidka)Waana lagu Bogaadiyaa laguna Garabsiiyaa,Loona Muujiyaa Farxad Tuuryadaa ku timid,iska daa in loo Sheego,Waxa uu Sameeyay inay Qalad Tahaye,Waaba loogu Mashxaradaa,looguna Sacab Tumaa.
Hadalada Hiilka Ee Tudhid la,aanta ah Ee la isla barbar istaago waxaa ka mida’’Bagga,Sax,Fariidka Day,Tuur hadana Walee kani waa wax Nool”,waxay sida dhibicda Roobka dabnahooda uga soo Burqadaan,Ehelada ilmaha yar ama Hooyada dhashay!.
Hadaba Maxaad ka Filaysaa Cannuga Noocaas lagu Soo Koriyay inuu Barri samayn doono?Maanu Noqonayn Faro laga Qaad laga soo hoysan waayay?Haa Si Fudud ayuu U Noqonayaa Budhcad,Mooryaan,Dhuljiif,Tuug iyo wax kasta oo Xun ee aad Maskaxda ku haysid.
Soomaalida ayaa leh Xikmaddo kuu cadaynaya waxa bilowga noloshaada kaa xumaadaa,inuu Baaba,aaga yahay waxayna yidhaahdaan”Haani gunbay ka Tolantaa,Alifkaa xumaadaa Al baqruu ku dhibaa”Waa Digniino hadaadan ku dhaqmin,aan lagaaga baahnayn Qoomamadooda.
Waxay ahayd Habeen dhawayd,Marka indhahaygu Qabteen Wax ku Cusub,Run ahaan tiina Ahaa,Qaar aad ii soo jiitay,markaas Ayaan xasuustay,Markii aan luuqada ingiriisiga baranaayay Cashar Noogu jiray oo ahaa The lump 100yrs old,Laanbadii Boqolka Sanadood jitay,Oo sida Casharku Sheegayay ku Taalay Caasimada Uk Ee London,oo Markaas layaab nagu ahayd,sida ay Caruurta dalka Ay ku Taallo uga Badbaaday.
Waxase Waxaa Oo dhan isku Fuuqsaday,ilmo yar oo Aabihii la socda,Waxay Wax ka Cuneen Hoteelada Cuntada Degdega ah Sameeya Midka mida Uuna Leeyahay,Wiil dhalinyaro ah oo Qurbe Jooga Oo Dalkiisa Maalgashaday,Waxaa Hoteelka Hortiisa Taala laba Caag oo loogu tallo galay in Khashinka lagu Rido,hadaba wiilkan yare e Qurbe-jooga ah Ee Aabihii la socday,isla markii uu Cuntadii dhamaystayba wuxuu bilaabay,in Hadhaagii Cuntada iyo Caagadihii uu Sharaabka ka Cabay Inuu kuRido,halkii loogu tallo galay,Tani ayaa imanaysa halka nin aan Sodameeyo ku Qiyaasay Da,diisu Uu isagu iskaga Tuuray Caagadii Uu Sharaabka ka dhameeyay,Wadada dhexdeeda,Hees Ayaa waxaa ku jirtay miraheeda”Caqligii Wanaagsani Itaal inuu ka Roon yahay bal Eegoo u Fiirsada”waxaana lahaa Xasan sheikh muumin alle ha u naxariistee,waxaanan lee yahay wax ka barta qurbe-joogta.
Waxaan Mudooyinkan danbe Arkaa boodhadh ay leeyihiin Shirkadaha Khashinka Oo dadka ka Codsanaya inay khashinka ku Ridaan,halka loogu tallo galay,Tani Oo ah Talaabo Aad u Fiican ku dhaqana Mudan,Waxaanan ku bogaadinayaa Shirkadaha Khashin gurka iyo dawlada hoose ee Hargaysa dadaalka ay ugu jiraan,biilcda Magaalada iyo Nadiifinteedaba.
Guntii iyo gabagabadii waxaan lee yahay Akhriste inta Khashinku kuu jiro ayuu Cudurkuna kuu jiraa Ee iska Hagaaji khashinka,aanan ka barano qurbe-joogta intooda fiican.
Qalinka:C/naasir Guray meecaad Email:noolahabadan@gmail.com.
Hargaysa/Somaliland.
Gobanimonews