Saraar(GNA)-Dadka reer guuraaga ah ee Deegaanka Buur dhaab ee Gobolka Saraar, ayaa diidmo kala horyimi Kooxo Ugaadhsato Carab ah oo la sheegay inay halkaasi ka ugaadhsanayeen Shimbiraha nooca loo yaqaano Laydhka ama Haad-ka adagta.
Khilaaf u dhexeeya Dadka iyo kooxaha Ugaadhsata ah, ayaa la sheegay inuu maalmihii ugu dambeeyayba ka taagnaa meel la yidhaahdo Saraar oo ka mida Buuralayda Buur-dhaab, kaasoo bilaamay ka dib markii ay reer Guuraagu Ugaadhsatada u diideen inay qabsadaan Shimbiraha.
Kooxda Ugaadhsatada ah oo isugu jira Carab iyo Somaali, ayaa wata Gaadiid ilaa 7 Gaadhi lagu sheegay, waxaanay ku andacoonayaan inay ruqsad ka haystaan Wasaaradda Deegaanka iyo Duur-joogta Dawladda u qaabilsan.
Maamulka Gobolka Saraar iyo Degmada Caynabo, ayaa la sheegay inaanay waxba kala socon hawshan Ugaadhsiga ah ee ay Kooxdani wado,waxaanay ku war heleen muranka ka dhex abuurmay iyaga iyo Bulshada Deegaanka.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda horumarinta Reer Miyiga iyo Duur-joogta oo la xidhiidha arrintan, hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa in xubno ka mida Golaha Deegaanka Caynabo halkaasi u tageen xaqiiqo raadin iyo inay arrintan baadhis ku sameeyaan.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo ka mida Golaha Deegaanka Caynabo, ayaa Gobanimonews u sheegay in laba Xildhibaan iyo dad kale oo waxgarad iyo Masuuliyiin dawladdeed deegaankaasi gaadheen, kuwaasoo warbixin ka soo gudbin doona ilaa maanta sida ay arrintu tahay.
Duur-joogta ayaa ka mid ah waxyaabaha ka reeban Ganacsiga iyo in Dawladduhu kala iibsadaan, isla markaana ka mida Hantida dalka ee aan cidi sheegan Karin, balse ilaalinteeda masuuliyadi ka saarantahay dadka oo dhan.
Hase ahaatee Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka, ayaa dhawr jeer oo kala dambeeyay ka dhawaajiyay in ugaadhsi ba’an lagu hayo noocyo ka mida Xawayaanka Duur-joogta ah ee Somaliland.
Xayawaanka aadka looga dariyay in tuugo dalka lagaga dhoofiyo waxa ka mid ahaa Harimacadka, Shimbiraha noocyo ka mida, Libaaxa iyo kuwo kale oo tiro badan, kuwaasoo sida wasaaradu sheegtay qaarkood sanadkii hore laga dhoofiyay Xeebaha Galbeedka Somaliland, qaarkoodna Gawaadhi lagaga talaabiyo Xuduudka Itoobiya, Jabuuti iyo Puntland Somaliland la leedahay.
Xatooyadda Xayawaankaasi ayaa amaro kala duwan ay ka soo saartay wasaaraddu muddo soo noqnoqotay, waxaana ugu dambeeyay mid ay badhtamihii sanadkii 2013-ka soo saartay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Baandare.
Hase yeeshee, talaabada iminka Kooxdan Carabta lagu sheegay ku kaceen ee dadka deegaanku hor-istaagay, ayaa muujinaysa inaanay wali soo afjarmin ugaadhsiga Sharci darada ah ee Duur-joogta dalku, loona baahanyahay inay dawladdu masuuliyad iska saarto sidii meesha looga saari lahaa.
Dad arrinta haatan ka taagan Buur-dhaab u dhuun-daloola iyo saraakiil dawladda u shaqeeya ayaa Gobanimo u sheegay in Nimanka Shimbiraha guranayaa intii aanay hawsha bilaabin ay soo mareen Taliyaha qaybta Bilayska ee Gobolka, kaasoo u ogolaaday inay deegaanka galaan.
Inkasta oo aan taliyaha arrintaasi laga xaqiijin, hadana waxa la sheegay inay dadka deegaanka kula doodeen in Agaasimeha Duur-joogta u qaabilsan Wasaaradda Ogolaanshiyo ka haystaan, taliska Ciidanka Gobolkuna fasax nabad-gelyo soo siiyay.
Balse sida ay Masuuliyiinta kala duwan ee dawladdu sheegayaan talaabadan ayaa dareen iyo xiisad ka hurisay Deegaanka hawsha laga bilaabay, taasoo soo dedejisay inay qaylo dhaan dadweynuhu dawladda soo gaadhsiiyaan, si aanay waxyeelo u gaadhsiin Kooxda Ugaadhsata ah ama aan iyaga loogu geysan.