Sunday, February 2, 2014

Ururka Yes-sports oo Agab ciyaareed soo gaadhsiiyay Xulalka Awdal iyo Selal


Yes-sports-holland-11Boorama-(GNA)-Deeqdan qalabka ciyaaraha ah ee ka timid ururka YES-Sport waxa ay ka koobnayd agab muhiim ah oo isugu jira kan ciyaaryahanada iyo kan garsoorka, waxana qalabkan loogu talo galay in la gaarsiiyo degmooyinka Boon, Boorama iyo Lughaya ee gobolada Awdal iyo Salal.




Wakiilka ururka Yes-sport ee Somaliland Md. Cabdi Idiris Axmed ayaa agaasimay munaasabada lagu wareejinayo qalabkan, waxana uu ka waramay meesha uu ka yimid qalabkan waxana uu yidhi “Mar kale ayuu ku dhiiraday ururka Yes-sport inuu is barbar taago ciyaaraha iyo ciyaartoyda gobolada Awdal iyo Salal, waxana uu markan ururku soo diray qalab ciyaareed oo isugu jira qalabka ciyaaraha fudud, kuwa kubada cagta, garsoorka iyo waliba dabaasha, waxana maanta aan qalabkan ciyaareed ku wareejinaynaa cidii loogu talo galay.




“Ma aha intan oo kaliya balse waxa xusid mudan in ururka Yes-Sports ee dalka Holland uu yahay urur ku sifoobay dhiirigalinta ciyaaraha goboladan, ujeedada ugu dambaysa ee ururka Yes-Sports ayaa waxa ay tahay in la helo dhalinyaro jidhkoodu cafimaad qabo oo ciyaaraha ka midho dhalisa, musataqbalkana noqota kuwo hiigsada ka qaybgalka tartan heer qaran ah iyo kuwo kale oo heer gobol ah, guulona ka soo hooya, ma aha intan oo kaliya balse ururka Yes-Sports, waxa uu diyaar u yahay in la dhiiri galiyo dhalinta halabuurka ah ee mihnada kubada cagta, iyo ciyaaraha kala duwan uu Eebe hibada u siiyay, waxana uu ururka Yes-Sports  aaminsan yahay in marwalba oo dhalinta la rabo in laga badabaadiyo hadimooyinka Tarriibta, Aafada Qabiilka, Qaranjabka,  iyo isticmaalka balwadadaha kala duwan ay ciyaarahu yihiin jidka kaliya ee loo mari karo, sidaas aawadeed, ururka Yes-Sports ee dalka Holland waxa uu habeen iyo maalin, hiil iyo hooba la barbarjoogaa dhisida, dhidibo u taagida iyo dheelitirka ciyaaraja gobobolada Awdal iyo Salal, si loo abuuro dhalin maskax furan oo danta guud ee bulshada si togane ah u gu adeegta ayuu yidhi Md. Cabdi Idiris




Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi Md. Cabdi Idiris “Aniga oo ku hadlaya magaca ururka Yes-sport waxa aan u mahad naqayaa qurbojooga goboladan eek u dhiiraday inay soo taageeraan ciyaaraha kuwaas oo ka qayb qaatay deeqan qalabka ciyaaraha ah waxana aan asi gaar ah ugu mahad celinaynaa, Xasan Cabdi Muuse oo jooga magaalada Toronto, Aaden Muse Odowaa oo jooga Ohio, Cabdillahi Miicaad Caynaan  oo jooga dalka Norway, Siciidd Muse Dixood, Cumar Nuur Sugaal iyo Cabdilaahi Cali Geele oo jooga dalka Sweden, Cabdi Bigays iyo Axmed Muxumed Sacad oo ku nool London iyo Ibraahim Rooble Bare oo degen dalka Australia, waxana aan sidoo kale u mahadnaqaynaa




Sakariye Abiib Aw-Aadan oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Waxa aan aad ugu faraxsanahay agabkan ciyaareed ee maanta na soo gaadhay, waxana aan si gaar ah ugu mahadnaqaynaa Mahdi Faarax Aadan (Mahdi Gaandhi) iyo ururka Yes-Sports ee dalka Holland oo dhawr mar oo hore na soo gaadhsiiyay deeq la mid ah tan, waxaanaan leeyahay waan idinka gudoonay, waana hubaal inay wax badan ka tari doonto qabsoomida ciyaaraha iyo sidii dhalinyarada loo dhiirigalin lahaa”




 Maxamuud Saleebaan Cawaale oo isaguhadalka qaatay ayaa yidhi “Waxa aan aad ugu faraxsanahay in deeq kale oo qalab ciyaareed ah ay naga soo gaadho ururka Yes-Sports ee dalka Holland, waxana aan leenahay Eebe ha idiinku badalo khayr badan, qalabkan ciyaareedna waxa aan balan qaadaynaa in la gaarsiiyo ciyaartoydii loogu talo galay oo ah kuwo baahi badan u qabay qalab noocan oo kale ah, waxana aan hubaa in ay deeqdani kor u qaadi doonto tayada ciyaaraha ee degaanka Awdal iyo Salal, waxana aan markale u mahadnaqayaa dhamaan asaxaabtii ka qayb qaadatay keenida deeqdan eek ala joogta dunida dacaladeeda”




Qalabkan ciyaareed  ee ka yimid ururka Yes-sports ee dalka Holland ayaa waxa uu yahay deeqdii ugu balaadhnayd ee dhinaca ciyaaraha ee ka timaada qurbaha oo la soo gaadhsiiyo gobolada Awdal iyo Salal waxa ay isugu jirtaa dhawr nooc oo ay ka mid yihiin “Agabka loogu talo galay garsoorka oo ay ku jiraan Siidhiyo, Saacado iyo Kabo, dharka loogu talo galay tababarka oo la siiyay ciyaaryahanada kubada Kolayga, Qalabka lagu ciyaaro kubada Tenista oo ay ka mid yihiin, kubado, shabag iyo raakeedo, Muraayadaha loogu talo galay dabaasha, dharka gabdhaha ee ciyaaraha fudud oo dhamaystiran, iyo qalimo tiro badan oo ciyaaryahanada ku dhiirigalinaya waxbarashada”




Sidoo kale waxa xusid mudan in degmada Lughaya dirayska loogu talogalay loo dhiibay Md. Daahir Muumin Waabari (Boodhe) oo dhawaan halkaasi tagi doona, halka degmada Boon uu u qaaday Md. Sakariye Abiib Aw-aadan, Degmada Booramana uu u gudoomay Isuduwaha Ciyaaraha ee gobolka Awdal Samaroon Cabdilaahi Cilmi, isla markaan degmo kasta la gudoonsiiyay agab ciyaareed oo isku dhafan.”




Gobanimo news




Mustafe caraale




Boorama-Office-Somaliland




Yes-sports holland (1)




Yes-sports holland (9) Yes-sports holland (8) Yes-sports holland (7) Yes-sports holland (6)Yes-sports holland (5) Yes-sports holland (4) Yes-sports holland (3) Yes-sports holland (2)Yes-sports holland (10)