Sunday, February 2, 2014

Somaliland :-Wasiir Beertiiisa ku dhisay Wasaaradda Caafimaadka /W_Q/maxamed Faarax Qoti


ussskNin walba wax-baa lagu xasuustaaye, waxaan jeclaystay inaan dibada u soo saaro oo aan soo bandhigo wax-qabadka mid ka mid ah 10-wasiir oo waasaaradda caafimaadka soo maray mudadii Somaliland soo jirtay. Annigoo waajib iskaga dhigaya inaan intii ogaal kayga ah aan ka hadlo wax-qabadka taariikhda u galay wasiirkan ka midka ahaa 10-ka Wasiir ee Wasaaraddaa Caafimaadka soo maray. Wasiirkan oo ahaa wasiirkii labaad ee ugu muddada dheeraa wasiiraddii soo maray Somaliland, Haddana ahaa Wasiirkii ugu muddada gaabnaa 10-kii wasiir ee xil ka soo qabtay wasaaradda caafimaadka, wasaaraddaas oo hore loo odhan jiray wasaaradda caafimaadka iyo shaqada, ayaa haddana noqday Masuulkii ugu wax-qabadka badnaa wasiiraddii wasaaradda Caafimaadka iskaga danbeeyey. Haddaba yaanan ka fogaan dulucda qormadaydee waxaan dhawaan booqday Xarunta xafiiska hayadda Caruurta Aduunka ee UNICEF ku leedahay koonfurta magaalada Hargesa taasi oo ah ta ugu weyn xafiisyadda hayaddu ku leedahay dalalka geeska Africa, intaana galinba waxaan su’aalo baddan iska weydiiyey sida ay ku suuro gashay xarun dhul intaa leeg ku fadhida in laga hir-galiyo caasimadda dalkeena ee Hargeysa, laakiin waxaan markiiba ku farxay midho dhalka hiigsigii wasiirkaas wax-qabadkiisa aynu qalinka u qaadanay. Kaasii oo ahaa wasiirkii maskaxdiisa ay ka soo maaxatay in xarun intan leeg hayadda caruurta Aduunku ku yeelo Somaliland, taasoo suuro gashay markii uu ku dhiiraday inuu dhul uu sigaara u lahaa hayadda ugu deeqay, in kastoo aanu nasiib u hellin isagoo xilka Wasaaradda Caafimaadka haya in la hir-galiyo. Lamaan yaabin dhismaha , ee waxa darreen gaar I galiyey hiigsiga iyo aragtida fog ee uu lahaa Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ahaa wasiirka caafimaadka 10/Augost/2006-kii-15/Augost/2007-kii, . Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) markii uu siiyey dhulka ay ka hirgalisay xarunta ugu weyn xafiisyaddeeda dalalka geeska Africa, kaliya wuxuu shuruud kaga dhigay inay Wasaaradda Caafimaadka u dhisto gurriga labada dabaq ah ee hadda wasaaraddu ku shaqeyso, inkastoo xilka wasiirnimo uu iska casilay haddana nasiib umuu hellin isagoo xil umadda u haya dhameystirka labaddaa dhisme ee aynu ka waranay. kuwaasoo muhiimadda dalka ay u lee yihiin ka sakow ay aad u kala fog yihiin goorta la qorsheeyey iyo wakhtiga ay fuleen taasi oo ka markhaati kacaysa qiyamka iyo aragtidiisa suuban taasoo ku dheehnayd Wadaniyad iyo xilkasnimo. UNICEF in kastoo ay tahay Hayaddaha ugu weyn Aduunka waxaan la iloobi karrin doorka ay ugu jirto dalkeena, taasi oo buuxinteedu ay ka mid ahayd aragtiyaha fog ee Cabdilaahi dirawal niyadda ku hayey inay Somaliland xarun ku yeelato, taasoo marka dhinaca kale laga eego muujinaysa in soo dhaweynta shacabka Somaliland oo uu matalayey masuulka dhulkiisa siiyey uu dareensanaa doorka wax-qabadka dalka ay kaga jirto haydda UNICEF, dhinaca caafimaadka, Wax-barashada, biyaha, Deegaanka, IWM




 




index




 




 




 




 




 




 




W/Q:- Maxamed Faarax Qoti