Monday, February 3, 2014

Dhegeyso: Hoos u dhac ku yimi Dhaqdhaqaaqa Sayladda Xoolaha Burco oo Busaarad sababay


Dib u soo kabasho labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka muuqda Sayladda iyo Dilaaliinta oo dadka ka farxiyay.Dhegeyso




Burco(GNA)-Dhaqdhaqaaqa Sayladda Xoolaha ee Magaalada Burco ayaa bilihii ugu dambeeyay aad looga dayrinayay, ahaana mid aad u hooseeya.




Hase ahaatee  dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay waxa la dareemayaa dib u soo kabasho iyo xarakaad xawli ku socda oo Sayladaasi ka muuqda.




Sayladdan ayaa laf dhabar dhaqaale iyo mid ganacsiba u ah  Mujtamaca ku dhaqan Gobolka Togdheer, khaasatan Magaalada Burco.




Waa sayladda ugu wayn Geeska Afrika ee lagu kala Iibsado xoolaha nool, kuwaasoo looga soo iib geeyo meelo fog-fog oo ka baxsan Xuduudka Somaliland, gaar ahaan Koonfurta iyo badhtamaha Somaliya iyo Deegaamada Kilalka Shanaad ee Itoobiya.




Wararka laysla dhex marayo Magaalada Burco ayaa sheegaya inay laba arrimood sabab u yihiin hoos  u dhaca Iibsiga Xoolaha ee Sayladdan.




Labadan arrimood ayaa kala ah Xoolihii looga soo iib geyn jiray Gobollada ka baxsan Somaliland oo yaraaday ama joogsaday iyo Shirkadda Al-jaabiri ee Saylladan xoolaha ugu badan ka iibsan jirtay oo hakisay Adhigii ay halkan ka iibsan jirtay.




Hase ahaatee Xubno ka mida Dilaaliinta Xoolaha ee Sayladda ayaa Gobanimonews u sheegay in xarakaadka Sayladdu sidii hore ka soo raynayo, isla markaana hada ay Shirkadda Al-jaabiri dib u bilowday hawsheeda.




Maxamed Xaashi Shirre oo ah Dilaal Adhiga Ahminka ah kala iibiya ayaa sheegay  “Xoolaha si wanaagsan ayaa loo kala iibsanayaa Maanta, waxaana maanta joogta oo xoolaha iibsanaysa shirkadda Al-jaabiri”ayuu yidhi.




Dhinaca kale, Saleebaan Faarax Jaamac oo ka mida Dilaaliinta ayaa sheegay “Xoolaha waa la iibsanyaa, laakiinse sidii Carafadda oo kale maaha, laakiinse maalin walba waa la iibsadaa xoola.




Adhiga Orgida u badan ayaa la iibsadaa boqolkiiba todobaad, qiimaha ugu badan ee Adhiga Ahminka la kala siisanayaana waa $80, adhiga waaweyn ee Ahminka ah,markaa waa iib wanaagsan”ayuu hadalkiisa ku daray.




Sidoo kale Maxamed Rooble Cali oo dilaal ka ah Adhiga Daabaxa ayaa sheegay in hoos u dhac ku yimi Qiimaha Adhiga Daabaxa ah “Saaka Sayladda Qiimaha xoolaha Daabaxa ah waxbaa ka yara dhacay oo way badanyihiin xooluhu”ayuu yidhi.




vlcsnap-2014-02-02-21h12m42s212Halkan ka dhegeyso Waraysiyo uu Dilaalinta la yeeshay wariye Saleban Cabdi oo Booqday Sayladda:-[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/sayladda-xoolaha-burco.mp3"][/audio]




Inkasta oo ay sidan ku doodayaan Dilaalinta Xoolaha badankooda iyo dadka ku xidhan sayladdu, Ganacsatada iyo dadka Iibiya Baddeecadaha iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah, ayaa ka cabanaya busaarad iyo dhaqaale xumo magaalada ku jirta.




Arrintan ayay u sibirsaarayaan dhinaca Sayladda taagan “Magaalada Burco waxay ku xidhantahay oo suuqeedu ku kala socdaa Xoolaha nool ee Sayladdaa lagu kala iibsado, kuwiina iminka way taaganyihiin.




Markaa hadii ay taaganyihiin magaaladu waxay gelaysaa Bankaraab, wax kala soconayaana ma jiraan”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay mid ka mida Ganacsatada  reer Burco oo xarakaadka suuqa ka dayrinaya.




“Dawladdu cashuurta Kordhiya mooyaane wax kale garan mayso, meeshana waxa looga yaacayaa waa cashuurta cirka la geeyay”ayuu hadalkiisa raaciyay isagoo sababaynaya hoos u dhaca Suuqa Sayladda.




Dadka qaar ayaa dawladda ku dhaliilaya inaanay qorshe u samayn iib-geynta Xoolaha dalka “meeshan wax qorshe dawladdeeda ayaan jirin, Nimankii xoolaha iibsan jirayna waxay doonayaan adhi waaweyn oo aan dalkeena joogin, dabadeed meeshay doonaan ayay u doonanayaan, ka dib intay baabuur ku soo qaataan ayay dekedda ka dhoofinayaan”sidaasi waxa yidhi mid ka mida Dilaaliinta waaweyn oo wariyeyaasha Gobanimo la hadlay.




Waxaanu intaasi ku daray “sidaa markay tahay dadkii reer Somaliland cid wax iibsanaysaa ma jirto dawladda iyo carabkuna dushay waxooda ku kala qaataan, markaa dadkii xoolaha lahaa ee waddanka u dhashay way bakhtiyayaan, waxaasina dawladnimo maaha”ayuu hadalkiisa raaciyay Ninkan oo Cali ku soo gaabiyay magaciisa.




Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Somaliland ayaan mooganayn muhiimadda ay xoolaha nool ee sayladdan lagu kala gataa u leeyihiin Bulshada ku dhaqan Gobolka Togdheer, gaar ahaan Caasimadda labaad ee Somaliland.




Hase ahaatee hadii aanay wax ka qaban  dhaliilaha looga soo jeedinayo  qorsheynta Suuqa Xoolaha ee waddanka , isla markaana u dhugyeelan isbed bedelka iyo hanaanka wax loogu kala iibsado, waxay taasi u muuqanaysaa inay indhaha ka laalinayso saameynta  Xoolaha dibada dalka ka imanaya ee Dekedda laga dhoofinayaa  ay ku yeelanayaan kuwa waddanka ee Mawaadiniinteedu munaafacaadsanayo.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com