Monday, February 10, 2014

Somaliland: Xukuumadda oo Xoriyaddooda u soo celisay laba Masuul oo xalay la xidhay


Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa goor dhaweyd Xabsiga ka soo daysay laba xubnood oo ka mida Guddi beeleedka Talo iyo Tawfiiq oo xalay la xidhay.




Gudoomiyaha Guddi Beeleedka Talo iyo Tawfiiq Xasan Xuseen iyo Yaasiin Maxamed nuur oo isaguna ahaa Gudoomiyaha Maaliyada ee Guddidaasi, ayaa xalay ciidanka amnigu xidheen, iyadoo sida ilo wareedyo xogogaal ahi sheegeen in lagu eedeeyay inay qayb ka ahaayeen abaabul Mudaharaad xalay ka dhacay Bariga Hargeysa.




Saddex Wasiir oo Xukuumadda ka tirsan, ayaa maanta gelinkii dambe ka soo daayay labada xubnood saldhiga Kood-buur oo xalay lagu xidhay.




“Salaadii Casar markii laga soo baxay ayay Cali Waran-cadde, Shugri Xaaji Baandare iyo Cabdi Awdaahir Saldhiga ka soo daayeen, labadaa Nin”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay xubin sare oo ka mida Guddidaasi.




Warka ayaa intaasi ku daraya in Wasiiraddu ay labada xubnood kula balameen in maalinta berri ah ay ka wada hadlaan sababtii lagu xidhay.




Xiisad ka dhalatay khilaafka Shir-guddoonka Wakiillada iyo faro-gelinta Xukuumadda ee Khilaafkaasi, ayaa  xalay sababtay Mudaharaad ka dhacay Xaafadda New Hargeysa iyo Xildhibaano Wakiillada ka mida oo loo hanjabay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com