Hargeysa(GNA)-Wararka naga soo gaadhaya Degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer, ayaa sheegaya in shalay halkaasi lagu qabtay Geel laga soo dhacay Deegaanka Xadhadhan ee Gobolka Buuhoodle iyo shan nin oo watay.
Xiisad laba sanadood ka hor ka bilaabantay Deegaanka Kalshaale oo u dhaxaysa labada Beelood oo wada degen soohdinta u dhaxaysa Buuhoodle iyo Qorugulugud, ilaa dhuldaaqsimeedka Xadhadhanka iyo Coodanle, ayaa laga dhaxlay tuugo xoolaha lagu kala dhacayo, siiba Geela.
5 nin ayaa lagu qabtay Geelaasi, kuwaasoo ay Ciidanka amniga ee degmadaasi gacanta ku hayaan.
Suldaan Maxamed Aadan oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Degmada Duruqsi ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Geela laga soo dhacay Xadhadhanka lagu qabtay duleedka Degmada Duruqsi,isla markaana halkaasi lagu hayo.
Bulshada rayidka ah iyo Bilayska ayaa iska kaashaday dhicinta Geelaasi, waxaana markii la soo qabtay la wareegay laamaha amaanka.
“Geelaa waxa lagu qabtay Duruqsi, waana loo haya isaga iyo shan Nin oo watay, waxaana la wareegay Ciidanka amniga”ayuu yidhi Suldaanku.
Geela la qabtay ayaa tiradiisa lagu sheegay ilaa Kontomeeyo Halaad, waxaanay nimanka soo dhacay dhawr neef ku soo iibsadeen dhexda, sida ay dadka deegaanku noo sheegeen.
Dhawaan ayay ahayd markii Geelal la kala dhacay loogu kala celiyay Degmada Qorulugud labada Deegaan ee Sool-joogto iyo Qorulugud.
Waxaase muuqata inay arrintani noqotay mid aan joogsi lahayn oo wali lagu kala xaddayo Xoolaha, taasoo halis amni daro abuuraysa hadaan dhakhso wax looga qaban.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com