Monday, February 10, 2014

Sil-siladda Garbo-diir iyo Maansada cusub ee Daran









Gabay









Maansadini waxay ka mid tahay sil-siladii GARBA-DIIR ee uu abwaan Axmed Aw-geedi furay waxaanay jawaab celin u tahay maansada DOOBIR BADAN oo uu dhawaan soo tiriyay ninka la yidhaa MUBAARIG QOOR U-BAXAY iyo dhamaanba inta kale ee la maca ah.




 





  


 




 




 




 




 





 





 




o   Gabay dowshadii nacay




o   Denbigiisa maan rabin




o   Duunkana kumaan hayn




o   Waase lay dal banayaa




o   Dawanbaa la lulayaa




o   Durbaan baa la tumayaa




o   Dareemaa la gubayaa




o   Duurbaa la shidayaa




o   Dhamac iyo dan baaburo




o   Duul duulayaa jira




o   Ana dooddan muranka leh




o   Shaxdan foodda lays daray




o   Doonyaystay oo imi




o   Hadal waliba dulucdii




o   Hanad waliba doorkii




o   Darmaan waliba orodkeed




o   Duddo waliba ooddeed




o   Darbo waliba xooggeed




o   Nabar waliba doogtii




o   Dakhar waliba eelkii




o   Tog waliba dayaankii




o   Candho waliba dararteed




o   Dermo waliba baaceed




o   Gudin waliba daabkeed




o   Dirac waliba libintii




o   Dur dur waliba maaxdii




o   Degal waliba niradii




o   Duqay waliba goynteed




o   Beer waliba dalageed




o   Duco waliba sheekheed




o   Dahri waliba qaadkii




o   Daabax waliba sarartii




o   Deeq waliba hadafkeed




o   Doobi waliba xoorkii




o   Dunji waliba siidhkii




o   Dowlada waliba madaxdeed




o   Ninba daacad nimadii




o   Waxa uurka ugu daban




o   Alle daalacdaa jira




o   Afartaa xikmado dedan




o   Daalacana noqon kara




o   Iyo duur xul sogor dohan




o   Ma ku dhaafay duuduub




o   Hal kalaan ku darayaa




o   Inan dibada meertoo




o   Gurigooda diiddaa




o   Doob soo hujuumiyo




o   Daandaansi waa u halis




o   Doonida xagaagii




o   Mawjadiyo duufaan




o   Iska dulun dulcaysaa




o   Dabayl legadda waa u halis




o   Nin habeen daruur loon




o   Dayax jirin saqdhexe guday




o   Durqun bahal qaniiniyo




o   Mici daallin waa u halis




o   Ninka diinta caayee




o   Danbiyada kabaa’ira




o   Ka dabeecad yeeshaa




o   Daayin cadhadii waa u halis




o   Koran morohda diirtaa




o   Hadduu doob is kala guro




o   Inuu baar qab daylani




o   Dal dalliigo waa halis




o   Afaray ku daaq taga




o   Baayd-gaabka daabacay




o   Inuu daadka hal abuur




o   Ku dayoobo waa halis




o   Deelayda maantana




o   Ninba garashadii duul




o   Nin xarrago damaashaad




o   Dacwadiisa qaran gee




o   Dakanooyin laga galay




o   Umadda ugu doon-doon




o   Fursadiiisa dahabka ah




o   Ma dayacine faa’iid




o   Rag qabiil u digo rogay




o   Ku dabbaalay  dhiidhiga




o   Isagoo rag dilayuu




o   Daayeer ku ciil baxay




o   Doxoshlaha u maah maah




o   Heelliyo dirkeeduu




o   Ka xarrimay dugaagii




o   Dubur iyo wax sheeg sheeg




o   Degmo taalla fara gali




o   Afka cudur ka soo daa




o   Daacuuno hidho kace




o   Malax iyo tuf dacar dhiig




o   Dab caloosha kaga shidan




o   Dibnihiisa soo mari




o   Alle doori qaafada




o   Duco yeelka mudanka ah




o   Ahlu diinka sharafta leh




o   Culimada ducaadee




o   Ifka daarta aakhiro




o   Dar alle uga saahiday




o   Dumadooda eedee




o   Wuxuu dacow libaaxyada




o   Isagoon la dir ahayn




o   Uga dabo dhawaaqaa




o   Waa derajo raacdayn




o   Ninka mamaca deynka ah




o   Hirdinta u diyaarsday




o   Haku madax dayaamee




o   Dardartiisu  meeshay




o   Ku danbayso la arkee




o   Gasariirta diginta ah




o   Marna dowlis lagu riday




o   Biyo kuuma soo daro




o   Dirri babaca roob helay




o   Doog iyo muleeniyo




o   Kama saaro doomaar




o   Nin qalbiga damiin ka ah




o   Haduu daaci ku adimo




o   Ilayn hadalku kuma duxo




o   Dad alloow cadduur weli




o   Dhowdhowdii kama degin




o   Gabadhii la dayrshee




o   La dalaaqay waa maxay




o   Doobigay aslaysaa




o   Wadhaf dacawo jabisaa




o   Dhirta looga diirtee




o   Inuu duudka kaga dhaco




o   Shimbirtu u dhug daranaa




o   Dalqo nibiri ruux galay




o   Ashahaadda daankiyo




o   Dibnaa ku xeji maayoo




o   Ma dar-daaran baa u hadhay




o   Nin la yidhi na daadihi




o   Diinna igu maamula




o   Xaqna waan dalbanayaa




o   Haye debacsan mooyee




o   Ma dariiq kalaa u furan




o   Balse kooxda duubka leh




o   Wixii muusanoow dumar




o   Ka yimaada deelqaaf




o   Haba loo dul qaatee




o   Sange daallan geenyadu




o   Hayskaga  durdurisee




o   Wakhtigaa u dabraayee




o   Duuflaalkan waa maxay?




o   Kooraba la duubyaa




o   Shalmad dacalka haystaa




o   Raggan aan daraadiyo




o   Oday daan cirrooliyo




o   Dulcaddiyo yar iyo weyn




o   Isu deysta  garaneyn




o   Dabcigoodu waa maxay?




o   Risiq lagu dullooboo




o   Xaaraanta duufka ah




o   Waxa jira u diir tiran




o   Diintuna banaynayn




o   Nin cunaana dagal ba’o




o   Balsde dooca aadame




o   Duwanaansho badanaa




o   Bakhtigaa duddada-yaal




o   Inay dab u dhardhaartaan




o   Dookhoogu niman uu




o   Ku duquulayaa jira




o   Sida waaye doxorradan




o   Mayd yaa u danbeeyiyo




o   Hadda kaa diyaarka ah




o   Aragtee dadweynow




o   Raggan digada dhiriqda leh




o   Carrabada darsanayaa




o   Hiirtaanyo daaciyo




o   Doogaha qabiilkiyo




o   Naxligay daldalayaan




o   Ma wax ruux damiir lihi




o   Kula doodi karayaa?




o   Nimankani ma day day




o   Laaluushka daqaa?




o   Ma caruur la dirayaa?




o   Ma dangalo masayrtaa?




o   Abtirsiimo dacar lehe




o   Ma qabiil u dirirbaa?




o   Dani seeto weyee




o   Dabatiyo ma caydhbaa?




o   Ma kuwii dad-qalatada




o   Ku dugaadhanaayee




o   AXMED GEEDI durayaa?




o   Afartaa halba udaa




o   Dukhsi meesha nabarka ah




o   Haddii loogu daray calaf




o   Muxuu kaga dikhoodaa ?




o   Sowkii danabkii IIDAAN




o   DEELAY ku yidhi beri  




o   Danbi ma leh nin baahani




o   Miyay dananka faraskiyo




o   Dameer ciyay sinaaadaan




o   Niman yahow dir raaraco




o   Mar kastuu xaq daakiro




o   Waa maxay danaanigu?




o   Ma caroog la daaruu




o   Eedaan ku damayaa ?




o   Ma kaneeco duushuu




o   Maroodigu dareemaa?




o   Daanyeer miyuu Aar




o   Dirir ugu badheedhaa?




o   Baddu mudacyo lagu dayo




o   Ka dubaalad dheeraa




o   Cirka waranka loo diray




o   Dusha joogi maayoo




o   Daruur dhagax ma gaadhee




o   Cidkalaad la damacdaye




o   Yaanuu dakhku ku dhicin




o   Afartaana daajaye




o   Sida ramadka dalawada




o   Gorof loogu dowdabo




o   Ana deercad ii dhalay




o   Maraqaan ku dagagaray




o   Ma ka furay dabeedada




o   Waa daacad MAANSADU




o   Daaraan cillada ma leh




o   Mixnad iyo dirsooc ma leh




o   Is dacaayadayn ma leh




o   Dowdhaaf xad-gudub ma leh




o   Dumin  iyo colaad ma leh




o   Dirodiriyo rabash ma leh




o   Xeelado dahsoon ma leh




o   Diinaar u xilashiyo




o   Taayadu dillaal ma leh




o   Damrad lagu ugaadhiyo




o   Dabbaal joogtadii ma leh




o   Daris kala fogay ma leh




o   Danyaray u hiil tahay




o   Waxse loogu dow galay




o   Nin uu malabka doocaan




o   Udhadhamaayo deebaaq




o   GARBO DIIRI waa damal




o   Waa la hadhsan doonaa




o   Ilaa daa’in abidkeed




o   Kay nabad la doorshiyo




o   La ahaatay duumada




o   Isagaa danbiile ah




o   Inuu kiisku dooxmoo




o   La dacweeyo ma oggala




o   Khayraadka darariyo




o   Ciiddeena dahabka ah




o   Badaheena wada dihin




o   Dakhliyo cashuuraha




o   Hooyada dan layda ah




o   Dhididkeeda da‘aya ah




o   Dekediyo madaarkiyo




o   Waddo lagu daryeeliyo




o   Dayactirid ha joogtee




o   Hadday deeqdu boqol tahay




o   Tobanbaa dirqiyo hawl




o   Kun barnaamij dayroow




o   Lagu daa daheeyaa




o   Shicibkana sagaal door




o   Shaashadaha dowliga




o   Laga daawad siiyaa




o   Inta kalena duhurka cad




o   Iyadoo dersinabay




o   Diigaanyo leeftaa




o   Raga kiishka dabada la’a




o   Xoolaha dadweynaha




o   Disayee ka buuxsaday




o   Daah nagama saarree




o   Waa deyn la qorayaa




o   Waanadu dubaaqiyo




o   Dhagaha u daloolay




o   Darab kala macaantee




o   Bal maxaad dafirayahay




o   Qofka dowga kugu haga




o   U dan baabidhaysaa?




o   Waar-yaahe kama dare




o   Qofka adiga kuu digay




o   Ma belaayo doonbaa?




o   Ma dilbaa nasteexadu




o   Ma dagaal sokeeyaa?




o   Cirsan-yeedh habeen dama




o   Dalmarow ka ciyay hawd




o   Kollay dhiillo damaqdiyo




o   Dareen taabad baa jira




o   Danbaay reero guuraan     




o   Layligu deggani ma leh




o   Falalow ma daahiro




o   Dhagar qabe digtoonaa




o   Fulay daymo badanaa




o   Adhiyahow dibbiraday




o   Didmo kuula socotee




o   Wax ku daaray maan-garan




o   Meeshuna duleedkii




o   Derrintaada weeyoo  




o   Dulin kuma eryanayee




o   Waxan saanta dibigiyo




o   Daasadaha kuu tumay




o   Anna waa iga maan dadan




o   Afartaana dacallada




o   Sida laba deryaalaha




o   Dadab ma isku sigib-tiray




o   Dedka dhigaha ma u simay




o   Harar iyo darfoolay




o   Daafaha ma kaga taxay




o   Midna laba daraad laha




o   Haddaan hoos u sii dago




o   Anaa  dowladnimada leh




o   Dool noogumay iman




o   Doorashay ku timi xora




o   Waa qaran distuuriya




o   Daan qudhana maahee




o   Dadku wuu u siman yahay




o   Dugsigeedu aniguu




o   ii yahay dallaalimo




o   Gol-dalooladeedana




o   Haddaan doonta looxyada     




o   Dakhalkeeda la adkayn




o   Weynala dagaysaa




o   Markaan faraska deegiyo




o   Hasha doobir ku idhaa




o   Duullaanku waa maxay?




o   Sidoy daabbadaydii




o    Duul iga xigsanayaan




o   Waa maxay dullaysigu?




o   Innamadan deg-degayee




o   Reernimada daarrani




o   Maxay noogu dudayaan?




o   Dalka madaxda talisaa




o   Qadhaan duleediyo




o   Ma diyay la bixiyaan?




o   Haddan garab ku daaqiyo




o   Ildabaano kale jirin




o   Danbas dhuxuli saarnayn  




o   Xaggee laga damqanayaa




o   Laysaga daloolaa?




o   Horta sow digreetan




o   Dalabtiyo janjeedhka leh




o   Sida wax u dellegan yiin




o   Dilladeeda lama helin




o   Ma cadceedda duhurkay




o   Sacabbadu daboolaan?




o   Dalcad gaadhi marayaa




o   Laba darawal kuma galo




o   Qaranimadan dacarow




o   Laynaga bahdilayee




o   Doorsoontay waa maxay?




o   Dibow iyo ma-gumarbaan




o   Damal mooday hoosa ah




o   Hadh dacaarku waa maxay?




o   Haku dararo baan geel




o   Daranta u waraabshaye




o   Waa maxay ka daristuna?




o   Daayinow Allahayow




o   Dalka noo barwaaqee




o   Deeqdaada noo fidi




o   IL cadaawe naga dayr




o   Wax la diido naga hay




Doodiina kaga baxay




AmiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiN………AmiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiN




 














 

 

Text Box: Maansadan waxa curiyay: Abwaan Guuleed                                 Yusuf Axmed<br/> <br/>