Wednesday, February 12, 2014

Somaliland: Wakiillada oo sheegay inay ka maarmeen dhexdhexaadinta Guurtida.Daawo


Daawo: waanu ka maaranay Ergadii Guurtida ahayd, waanan dhamaysanay arimihii dhexdayada”




Hargeysa(GNA)-Labada garab ee la kala safan Shir-guddoonka  Golaha Wakiillada ee Golahaasi  ka wada tirsan, ayaa sheegay inay  dhexdooda xal ka gaadhayaa murankii ka dhex aloosnaa.




Ergo ka socota Golaha Guurtida ayaa maalin saddexaad soo dhex galay buuq iyo sawaxan hadheeyay Golaha wakiillada.




Labada dhinac ayaa kulan ay maanta yeesheen, ka dib warbaahinta u sheegay inay dhexdooda ka heshiinayeen khilaafkii ka dhexeeyay.




“annaga dhexdayada ayaa dhamaysanayna wixii naga dhexeeyay, waanan kulanay maanta meel wanaagsanbaanay wax noo marayaan, ergadii Guurtida nooga timina waxaanu leenahay waanu dhamaysanayn arrintayadii waanan ka maaranay”sidaasi waxa Warfidiyeenada u sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo hadlay ka dib markii kulanku dhamaaday.




Dhinaca kale, Xildhibaan Saleban Cali Koore oo isla kulankaasi dhamaadkiisii la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inuu dhamaaday yooyootankii Golaha ka dhexeeyay, isla markaana labada dhinac ee ishayay isu tanaasuleen.




Inkasta oo aanay garabyada golaha Wakiilladu sheegin waxa ay ku heshiiyeen, hadana waxa labada dhinacba ku adkeysteen inuu dhamaaday murankii taagnaa.




Maalin saddexaad ayuunbay ahayd markii Golaha laysku faro saaray, isla markaana khilaafka ka dhashay awood dhimista labada Guddoomiye ku-xigeen meel xaasaasiya gaadhay, mudddo todobaad ahna arrintaasi si xal looga gaadho golaha la fasaxay.




Geesta kale, saddexda xubnood ee shir-guddoonka Golaha Wakiillada ayaa la sheegay inay shalay dalbadeen in laysugu keeno kulan gaar ah oo ay isku keliyaystaan.




Halkan ka Daawo Kulanka Maanta ee garabyada Golaha wakiillada: