Wednesday, February 12, 2014

Mustafe Shiine: Maaha inuu carqaladeeyo dhismaha Waddada Ceerigaabo Nin Xildoonayaa"


shiineHargeysa (GAN)-Gudoomiyihii hore ee ururka Solja Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) islamarkaana ah xubin ka mida gudida abaabulka qadhaan ururinta wadada Ceerigaabo, ayaa cambaareeyay hadalada dacaayadaha ah ee carqalada ay ku galinayaan  xisbiyada mucaaradka habsami u socodka jidka Ceerigaabo ee qaadhaan ururintiisu socoto, kuwaas oo ay ku sheegen in lacagta qaadhaan ururinta loo adeegsaday olole carqalad lagu galiyo golaha wakiilada. Waxaana xisbiyada mucaaradka u soo jeediyay in aanay siyaasadeen dhismaha wadad Ceerigaabo
Mustafe Shiine, oo shalay shir jaraa’id ku qabtaya hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, oo ugu horayn sharayaxa qaab dhismeedka gudida dhismaha wadad Ceerigaabo cadaynayana in dhaqaalaha aanay cidgaara jeebka ugu dhicin waxa hadalkiisa ku bilaabay,
“waxaan ka mid ahaa gudidii abaabulka  shirkii lacagta qadhaanka lagu ururinayay, waxaan cadaynayaa in lacagta qadhaanka wadada Ceerigaabo aan loo isticmaalin ama lagu galin olole (Campaign) laguna gali Karin, waayo gudidii madaxwaynaha u magaacabay wadada Ceerigaabo waxay lahayd jaran jaro.  Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeen, xoghaye iyo hawaynay khasnaji ah oo katirsan ururada rayidka kana soo jeeda gobolka Sanaag laakiin lacagtii lagu dhawaaqay waxay ahayd kaliya yabooh may ahayn lacag soo xerootay ”.
Mustafe Cabdi Ciise waxa sidoo iftiimiyay saamaynta hadalada dacaayadaha wata ee xisbiyada mucaaridka uga imanaya gudida dhismaha wadada Ceerigaabo iyo ujeedooyinka ka danbeeya, waxa uu yidhi
“xisbiyada mucaaradka UCID iyo Wadani waxay halis ku yihiin oo ay adhaxda ka jabinayaan dadaalkii ay xukuumadani u gashay in ay dhisto wadada gobolka Sanaag iyo isku xidhaysay dalka intiisa kale oo lawada ogyahay dhibaatada wado la’aantu ku haysay. Nin siyaasi ah oo xildoonaya inuu ku ololeeyo Dacaayadaha carqalada ku ah dhismaha wadada Ceerigaabo waa nasiib darro”, ayuu yidhi Mustafe Cabdi Ciise, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalka siiwata
“waad ogaydeen wafdigii marka Ceerigaabo tageen in hablihii aan waxba haysan tii silis haysatay ee islahayd marka dhibaato timaado aad iibsatid ay bixinayeen waynu ogayn sida dadku diyaarka ugu ahaayeen inay wax bixiyaan, London oo kale dadku way diideen in arrinta la siyaasadeyo oo iyagoo xisbi kasta ku jira ayay diyaar u ahayeen inay bixiyaan, manta hadii layidhaahdo lacagtii lasoo ururiyay ayaa C/raxmaan Cirro lagu ridayaa nimanka sidaasi leh waa niman halis ku ah qaranimada, jiritaanka iyo wada jirka Somaliland, waa niman kazoo horjeeda in dadka reer Ceerigaabo helaan meel ay soomaraan”.
Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), waxaa uu dadwaynaha reer Sanaag ugu baaqayaa inay ka hor yimaadaan oo codkooda mideeyaan sida ay arrintan uga midaysnayeen oo ay tusaam xisbiyada mucaaradka in kalsooni aanay ka helayn hadii aanay ka noqon hadaladan ay ku siyasadaynayaan dhismaha wadad Ceerigaabo. Sidoo kale waxa uu ugu baaqayaa inay ka hadlaan gudida dhismaha wadada Ceerigaabo islamarkaana shacbiga ka wacyigaliyaan.