Friday, February 14, 2014

Somalia: Safarka laba Sheikh iyo Shaxda cusub ee Dagaalka Al-shabaab.Warbixin


Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Reysal-wasaarihiisa Addis iyo Anchor tamashlaynaya, Amniga Muqdisho oo xumaaday iyo Dagaalyahanada  Al-shabaab ku qul-qulaya Magaalooyinka..




Al-shabaab oo Shacbiga dhexdiisa Dhufaysyo uga qodanaya Ciidamada Itoobiya.Warbixin iyo xogo muhiim ah..




laba sheikhMuqdisho, Khamiis, February 13, 2014-(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Maanta magaalada Muqdisho uga ambo-baxay Dalka Itoobiya oo uu booqasho ku tegay.




Dawladda itoobiya ayaa ka mida dalak saameynta siyaasaddeed ku leh arrimaha Somalia, waxaanay dhawaan ciidamaddeedu ku biireen hawl-galka Amisom.




Cabdi-Wali Sheikh Maxamed Axmed oo Garoonka Muqdisho ka dhoofay saacaddo yar ka dib markii afaafka hore ee Madaarka qarax Ismiidaamin ah laga fuliyay , ayaa la sheegay inuu Dalka Itoobiya kaga qayb-gelayo Shir lagaga hadlayo amaanka.




Reysal-wasaaraha ayaa ka hor intii aanu Dhoofin Saxaafadda kula hadlay Madaarka, waxaanu si kulul u cambaareeyay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada, isagoo ku tilmaamay mid waxshinimo iyo cadaawad loogu muujinayo Umadda.




 “Falkan wuxuu cadeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiiga dadka Shacabka ah, waana in bulshada Soomaaliyeed ay garab ku siiyaan dawladda ciribtirka kooxahan xagjirka ah ee baneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumadu.




Cabdiwali Sheikh ayaa intaasi ku daray inuu Addis-ababa kaga qayb-gelayo shir lagaga hadlayo amaanka gobolka, kaasoo qodobada ugu waaweyn ee looga hadlayo ay kamid tahay arrinta Somalia.




Safarka Reysal-wasaaraha ayaa ku soo aadaya xili uu muddo todobaad ah dalka ka maqanyahay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo hawlo caafimaad dalka Turkiga u jooga.




Maqnaanshiyaha labada Masuul ee ugu sareeya Xukuumadda iyo Dawladda Federaalka, ayaa ku soo beegmaysa xili amaan daro xoogani ka soo cusboonaatay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda waddanka iyo Gobollo kale oo hore u nabadoonaa.




Amaan darada ka soo cusboonaatay Muqdisho, ayaa loo aanaynayaa laba arrimood oo kala ah,awoodda Dawladda ee dhanka ilaalinta amaanka iyo qodobka labaad oo ah Dagaalyahanadii Al-shabaab oo ku soo xerooday Magaalooyinka.




sargaalAl-shabaab, ayaa si ay u bedelaan xeeladdooda dagaal, cabsi ay ka qabaan ciidamada Itoobiya awgeed gudaha magaalooyinka soo galay, siiba Muqdisho  oo ay laba sanadood ka hor fadhiisimadii ay ku lahaayeen faaruqiyeen, inkasta oo ay weeraro qorsheysan mar walba ka fulinayeen ilaa wakhtigaasi.




Mid ka mida Dadka ku xeel-dheer arrimaha amaanka iyo dhaqdhaqaaqyada Kooxda, ayaa Gobanimonews u sheegay “Nimanka Al-shabaab waxay ka baqayaan inay Ciidamada Itoobiyaanka Dagaal foolka fool ah la galaan, dabadeed waxay soo galeen Magaalooyinka si ay hawshooda u sii wataan.




Taas waxa Caddeynaysa shalay duhur cad ayay dagaal kula galeen magaalada Ciidamada”ayuu yiri Khabiirkan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo xaga amniga awgeed.




Ma jiro inta la ogyahay wax qorshe ah oo Dawladdu ka leedahay xeeladda cusub ee Al-shabaab isticmaalayso oo hadaan la xakameyn dib u soo noolaynaya awoodda Ururkan oo hoos u dhacday sanadihii u dambeeyay.




“waxay doonayaan inay Ciidanka Itoobiya ku soo hogaamiyaan Magaalooyinka waaweyn si ay shacbiga ugu dhex dhuuntaan, dabadeed marka dhibaato soo gaarto shacbiga Taageero ay uga helaan bulshada”sidaasi waxa Gobanimo u xaqiijiyay mid ka mida dadka arrimaha nabad-gelyada ka faalooda.




Si kastaba ha ahaatee  arrimahan dhinaca amaanka ee dalka ka taagan, gaar ahaan Caasimadda dalka, ayaa haadanay DF ka hor tegin u muuqda kuwo xasilooni daro iyo mushkilad hor leh keeni kara.




Hase ahaatee maqnaanshiyaha Madaxweynaha iyo reysal-wasaaraha iyadoo dalku marxladdan ku jiro iyo la xisaabtan la’aanta Hay’addaha amniga oo si weyn loo saluugsanyahay shaqadooda, ayaa muujinaysa inaanay dawladda Xasan Sheikh Maxamuud kob cagaar leh ka soo dur-durin, isla markaana dig-digta iyo Faanku ka yahay “Qowda Maqashii oo waxba ha u qaban”.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com