Friday, February 14, 2014

Wariyeyaal lagu jidh-dilay Xabsiga Nabad sugida Dawladda


Muqdisho(GNA)-Afar suxufi oo isugu jiray agaasimayaal idaacadeed iyo farsamo-yaqaano ayaa caawa laga sii daayey xabsi ciidanka nabad sugida dowlada Somalia ku leeyihiin agagaarka xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu xiray saddax cisho ka hor.




Maxamed Xaaji Barre (Fiyoore) oo ah agaasimaha Idaacada DANAN iyo Max’uud nin magaciisa lagu soo koobay oo isna ahaa agaasimaha idaacada Haatuf iyo labo farsamo yaqaan ayaa sadex cisho ka hor ciidamada nabad sugida dowladu waxay ka qabteen nawaaxiga Tre-piano.




Agaasimaha Idaacada DANAN Maxamed Xaaji Barre (Fiyoore) oo caawa markii la sii daayey la hadlay bogga  dayniile.com ayaa sheegay in intii uu xabsiga ku jiray isaga si gaar ah loogu geystay jirdil xoogan, meelo jirkiisa ka mid ahna sida wejiga ay ka muuqdaan barar iyo nabaro ka dhashay garaacista lagu sameeyey.




 “Aniga meel gooni ah ayey igu xireen ciidanka nabad sugida, waxayna i weydiiyeen sawiro aan ka qaaday gaari maalmo ka hor ku qarxay jidka Maka Al-mukarama oo uu watay masuul ka tirsan Sh/hoose, anigana waxaan u sheegay in sawiradaas ay iga xumaadeen ka dibna jirdil iyo garaacis naxariis daro ah ayaa la ii geystay” ayuu yiri Fiyoore oo sheegay in uu u baahanyahey baaritaan caafimaad oo buuxa .




Waxaa uu intaa ku daray inuu la yaaban yahay sababta ragga isaga xiray ay u weydiiyeen sawirada uu goobtaas ka qaaday maadaama buu yiri ay dadka caadiga ah iyo weriyeyaal kaleba iska sawiranayeen qaraxa goobta ka dhacay, isagoo isweydiiyey haddii ay jirto meel dowladu ay saxaafada kaga mamnuucday iney sawiro kaga qaataan goobaha ay shilalku ka dhacaan.




 “Aniga waxaan ahay weriye, waana shaqadeyda inaan sawiro ka qaato meelaha ay wax ka dhacaan, waxaa wax lala yaabo ah in xoriyada la iiga qaado, la iina jirdilo sawiro aan qaaday awgeed” .




Taliska ciidanka nabad sugida Soomaaliyed illaa hadda wax war ah kama soo saarin xariga madaxdan warbaahineed, iyadoo tanina ay noqoneyso dhibaatooyinka isugu jira dilka, handadaada, garaacista iyo awood sheegashada lagu hayo suxufiyiinta Muqdisho.




Badhtamihii sanadkii tegay ayay ahayd markii xabsi iyo Ganaac lagu xukumay wariyeyaal lagu eedeeyay inay sameeyeen Kiisas been abuur Kufsi aan dhicin ah.




Suxufiyiintaasi waxa ka mida ahaa Agaasimaha Ideecada Shabeele iyo Gabar sheegtay in wariyeyaal ka shaqeeya warbaahinta dawladdu kufsi u geysteen.




Dhinaca kale, Iddeecada Shabeele, ayaa muddo dheer u xidhnayd awood sheegasho dawladdu kaga rartay Dhismihii ay degenayd.




Suxufiyiin tiro badan ayaa saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo Deegaamo kale oo dalka ka mida, halka kuwo kalena dhaawacyo iyo xadhig loo geystay.




Wariyeyaasha la dilay ayaan ilaa hada dawladdu jawaab cad ka bixin cidii ka dambeysay, aan ka ahayn inay sheegto in dad loo hayo.




Mase jirto qof qudha oo ilaa hada dil loogu fuliyay wariye ay ku cadaatay inuu dilay, taasoo mugdi gelinaysa amniga wariyeyaasha.




Xadhiga lagula kacay Suxufiiyinta caawa la soo daayay ayay walaac ka muujiyeen inta badan warfidiyeenada ka hawl-gala Gobollada Somaliya oo ay inta badan cabsi badani ka haystay dhanka amniga.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com