Saturday, February 15, 2014

Ra’isal Wasaaraha Somalia oo la kulmay Taliyaha Ciidamadda Ethiopia


Addis-ababa(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Ethiopia General Samora Muhammad Yunis.




Reysal-wasaare Cabdiwali ayaa booqasho ku jiiga dalka Itoobiya maalintii labaad, waxaanu shalay la kulmay dhigiisa dalkaasi.




Reysal-wasaaraha ayaa  booqday kulankaa ka dib Warshadda Weyn ee dalka Ethiopia ee lagu magacaabo Metal and Engineering corporation (METEC).




Kulanka uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Taliyaha ciidanka xooga dalka Ethiopia ayay ka wada hadlayeen xoojinta amaanka iyo dib u xoraynta goobaha ay wali dalka kaga sugan yihiin kooxaha nabaddiidka ah, waxaana kulankan uu qayb ka yahay 3 maalmood oo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli uu booqasho rasmi ah ku joogo magaalada Addis Ababa ee Ethiopia.




Dhanka kale waxaa uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Wafdigiisu ay booqasho ku tageen mid kamid ah xarumaha ay leedahay warshadda weyn ee dalka Ethiopia ee lagu magacaabo Metal and Engineering corporation (METEC), taasi oo qabata howlo kala duwan oo ay kamid yihiin samaynta qalabka baabuurta, baabuurta ciidanka iyo rasaas.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com