Abu Dhabi(GNA)-Danjiraraha Soomaaliya u fadhiya Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta Danjire C/qaadir Sheekhey Mohamed Al-hatimi ayaa sheegay in Xaruunta Safaaradda lagu soo gabo gabeeyay saxiixidda buuga tacsiyo Qaran ee loo sameeynayay Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa Ra’isul wasaarihii hore ee Jamhuurayada Soomaaliya.
AHN ee Marxuum Cabdirisaaq X. Xuseen ayaa ku geeriyoodey Wadanka Mareykanka taariikhdu markey ahayd 31/01/2014., iyadoo aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.
Danjire Cabdiqaadir Sheekhey ayaa ku qaabilay markale maanta Xarunta Safaaradda dhamaan madaxda Safaaradaha u jooga dawladaha Caalamka ee laga aqoonsayahay wadanka isutaga Imaaraadka Carabta oo aan fursad u helin shalay in ay saxiixaan buuga tacsida ee loo sameeyayay Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen.
Marxuum Cabdirisaaq X. xuseen Ra’isul wasaarihii hore ee Jamhuurayada Soomaaliya, ayaa magac iyo Miisaan culus ku lahaa dalkiisa iyo mandaqada.
Safiiradda maanta saxeexay Buuga Tacsida waxa ka mid ahaa wadamada: Italy, Morocco, Kuwait , Palestine , Maldives, Uganda, Mauritania, Tunisia, Albania, Genie, Bonia iyo Kuwa kale oo badan.
Tacsidaan oo socotey muddo labo maalmood ah ayaa shalay oo taariikhda ku beegatahay 13/02/2014 ku soo idlaatay jawi wanaagsan, islamarkaasi dib loo saaray markale Calanka Jamahuriyadda Soomaaliya, kaddib markii hoos loo dhigey Calanka Jamhuuriyada ee ka taagan wadanka Imaaraadka Carabta mudo laba maalmood oo baroor diiq socdey.