Turki: Qorshaha nooguma jirto inaanu dib u bilowno Taageeradii dhaqaale ee aanu siin jirnay Somalia”
Anchor(GNA)Dawladda Turkiga ayaa joojisay Mucaawimadii Somalia ay siin jirtay.
Dawladda Turkiga ayaa Mashaariic horumarineed oo dib loogu dhisayo Kaabeyaasha adeegyada Bulshada iyo xarumaha dawladda ka waday Somaliya ilaa sanadkii 2011-kii.
Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa go’aanka ay ku hakisay inta badan hawlihii gargaarka ee ay siin jirtay waddankan wali qalalaasaha amni daro ka jirto.
Hase ahaaatee Arrintan ayaa ka dambeysay sida la sheegayo, ka dib musuqmaasuq iyo hoos u dhac dhanka amniga ah oo soo foodsaaray dalka.
Dalka Turkiga ayaa sida uu sheegay Guddoomiyihii hore ee Bangiga dhexe ee Somalia Cabdiqaadir Hadliye bil walba dalka Somalia siin jirtay $4.5 million oo lacagta Maraykanka.
Hase ahaatee saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa wakaaladda wararka ee Rueters, u caddeeyay inay mucaawimadaasi Anchor joojisay dabayaaqadii sanadkii 2013-ka.
Rashid Cabdi oo ka faalooda arrimaha Afrika ayaa tilmaamay inay arrintani ka dhigantahay dawladda Xasan Sheikh Maxamuud oo Kalsoonidii lagala noqday, laakiinse buu yidhi wali ay heli karto saaxiibo kale oo reer Galbeedka ka tirsan oo gacan siinaya.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Safar nasasho lagu sheegay ku jooga dalka Turkiga muddo todobaad ku dhow.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda federaalka Somalia oo la xidhiidha go’aanka ka soo baxay Dawladda Turkiga oo gacan weyn siinaysa Somalia saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay.
Saraakiil ka tirsan Hay’adda Iskaashiga u qaabilsan Dawladda Turkiga ee TIKA, ayaa sheegay in mashaariicda ay hada ka wadaan Somalia aanay istaagayn ee la sii wadayo.
Laakiinse Saraakiisha u hadlay Wasaaradda Khaarajigu waxay intaasi ku dareen inaanay qorshaha dhow ugu jirin in dib loo bilaabo Caawimadda la joojiyay.
Safaaradda Turkigu ku leeyahay Magaalada Muqdisho ayaa sanadkii hore lala beegsaday Qaraxyo, waxaana ku dhintay shaqaale iyo qaar ka mida Ilaalada.
Reysal-wasaaraha Turkiga Rejab Dayib Ordogan, ayaa sanadkii 2011-ka safarkii ugu horeeyay ee masuul dawladdaha dhaqaalahoodu horumaray ku yimaado ku tegay Muqdisho, halkaasoo uu ka furay bilowga Gargaarka dawladdiisu la garab istaagtay Somalia.
Hase ahaatee dedaal kasta oo caalamku la garab istaagay Dawladda Xasan Sheikh Maxamuud waxa hal bacaad lagu lisay ka dhigay Amni darada ku soo kordhaysa Muqdisho iyo deegaamo kale oo nabdoonaa iyo Musuqmaasuq hadheeyay Hay’adaha Dawladda oo aan la xisaabtan lahayn.
Gobanimonews
London Office
Email editor@gobanimonews.com