“Sariirtaan Hoos Galaa Marka Kirada Guriga La Iga Doonayo, Xaaskana Waxaan Ku Idhaa Wuu Maqan Yahay Ku Dheh” Xasan Oo Ka Mid Ah Dhalinyarada reer Hargeysa
Hargeysa, February 9, 2014 (GNS) – Qiimaha Guryaha qoysasku galaan ee Hargeysa lagu kireeyo ayaa mudooyinkii u dambeeyey sicirkoodu kor u kacay kadib markii ay bateen dhalinyarada yagleelaysa xaasaska cusub, qoysaska ka soo guuraya gobolada dalka ee Caasimada usoo Guuraya iyo guud ahaan dadka magaalooyinka soo galaya ee ka soo hayaamaya dhulkii miyiga ee ay joojigi jireen.
Qiimaha halka Makhsin ee daarta ah ayaa magaalada Hargeysa lagu kiraynayaa inta u dhaxaysa $40-25, taas oo guriga afarta makhsin uu noqonay $160 ilaa $100 bishii, taas oo wakhtigan xaadirkan saamayn ku leh dhalinyarada xaasaska cusub ee u silsiladaysan shaqo la’aanta baahsan iyo shaqooyinka mushaharkoodu aanu wada dabooli karin nolol maalmeedka baahiyaha qoysaskooda iyo kirada guriga ay galaan.
Nin dhalinyaro ah oo magaciisa ku soo gaabiyey Xasan ayaa sheegay inuu leeyahay Xaas iyo Afar caruur ah isla markaana aanu lahayn wax hanti maguurto ah, oo uu galo guri kiro ah oo ka kooban 2 makhsin oo bishii uu bixiyo $60 dollar waxaanu u sheegay Wariye Haatuf ka tirsan in bixinta kirada guriga uu galaa ay caqabada ugu weyn ee dhaqaale ay ku hayso maadaama oo aanu hadda wax shaqo ah faraha ku haynin, isla markaana aanu gurigiisa tagin laba habeen isagoo ka baqo qaba in haweenayda leh guriga uu galo ay kirada waydiiso ama marka ay isaga aragto ay caruurta iyo alaabta guriga ay dibada ugu soo daadinayso maadaama oo aanu bixin wax kiro ah mudo laba bilood ah, taas darteedna uu ka meer meero tagida guriga isagoo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Xaas iyo afar caruur ah, waxaana gala guri kiro ah, mudo laba habeen ah maan tagin gurigii oo waxa aan uga meermeerayaa haweenayda guriga leh inay i waydiiso kiradii umana hayo”.
Mr Xasan ayaa sheegay in dhawaan gaadhi uu dirawal ka ahaa laga dhigay, isla markaana aanu laba bilood wax shaqo ah dhakow ku siin oo haweenaydii guriga uu ku jiro lahayd ay ku leedahay laba bilood kiradood, waxaanu intaa ku daray “Sariirta ayaan hoos galaa marka kirada guriga la iga soo doono, waxaanan xaaska u sheegaa inay ku tidhaa ma joogo ama wuu maqan yahay. Dadkeenuna runtii marka aabaha guriga lihi markuu maqan yahay kuma degdegaan inay diba u daadiyaan caruurta iyo xaaska”.
Hase Yeeshee Somaliland oo ah dal badi dadkiisu ay sabool yihiin, isla markaana ay ku gadaaman yihiin duruufo dhaqaale oo adag oo ay ka mid yihiin heer aad u sareeya oo ay marayso saboolnimo, shaqo la’aan, iyo maalgashiga dalka oo aad u liita, sida uu dhawaan warbixin uu soo saaray Bangiga Aduunku ku sheegay in Somaliland ay ka mid tahay afarta dal ee ugu saboolsan dunida isla markaana qofkiiba dakhligiisu uu maalintii ka hooseeyo wax hal dollar ka yar.
Ayaa sidoo kale wax soo saarka iyo quudinta qoyska ay qayb laxaad leh kaga jiraan haweenka iyo hooyooyinka 22aadkii sanadood ee u dambeeyey, kuwaas oo qoysaskooda ku biiliya ganacsiyo aad u yaryar oo ay ka mid yihiin iibinta Khudrada, Caanaha, Hilibka, Dharka iyo iibinta Qaadka.
Wasiirka ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada oo dhawaan ka hadlaysay doorka haweenka ay kaga jiraan soo saarida nolol maalmeedka ayaa waxa ay tidhi “Tan iyo intii dalka burburku gaadhay ee dagaalkii rajiimkii ka bilaabmay ilaa wakhtigaa aynu maanta ku jirno 22-kaa sanadood oo dawlada Somaliland ay shaqaynaysay oo gooni isku taageedu uu ahaa 22 jirsaday waxa weeyaan arimaha horumarinta qoyska waxa gacanta ku hayey haweenka waxa ay ahayd masuuliyad ay haweenku tuurta u riteen wakhtigii lagu jiray halgankii dib u xoraynta dalka ilaa maantana waxaynu ognahay in haweenku safka hore kaga jiraan quudinta qoyska iyo horumarintiisa, ardaydaa kumaankumka ah ee maalin walba jaamacadaha inooga soo qalinjabinaysa saxaarad Tamaandho ah iyo Galaan Caano ah iyo Neef Hilibkii oo la qalay oo miis la saaray ayaa 70% in ka badan lagu soo saaray iyo hooyo Hafto yar iibinaysa ayaa jaamacadahaa lagaga soo wada baxay oo quruxdaa maanta aynu leenahay iyo labiskaa dhinyaradeena ka muuqda marka ay meel kasta isugu yimaadaan waa Islaantaa Kiilooga Tamaandhada ah iibinaysa iyo taa Caanaha iyo Hilibka iibinaysa iyo taa Haftada yar xaafadaha ku wareejinaysa ayaa lagu soo koriyey oo jaamacadaha lagaga soo saaray oo aynu ku soo gaadhnay halkaa aynu maanta joogno.”
Warbixin: Axmed Cige
cige2015@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland