Dhegeyso:“Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose oo fariin Xambaarsan laba qodob oo muhiim ah Bulshada u diray”
Burco(GNA)-Kulan lagaga hadlayay Bixinta Cashuuraha Dhulka Banaan iyo dar-dar gelinta Nadaafadda guud ee Magaalada Burco, ayaa maanta ka dhacay Xarunta Dawladda hoose ee Degmada Burco.
Shirkan ayaa waxa furay Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee degmada Burco, iyadoo ay ka soo qayb-galeen xubno ka kala socda Golaha Deegaanka iyo Ururradda Bulshada ee Magaaladda Burco.
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Burco Cismaan Maxamed Sheik Cismaan Nuur oo kulankaasi furay, ayaa dadweynaha reer Burco ee gudaha iyo dibadaba ugu baaqay inay cashuurtaan Dhulkooda, si dawladda hoose u hesho dhaqaale ay ku horumariso adeegyada aasaasiga ah ee Bulshadu ka sugayso.
Xoghayaha ayaa si gaar ah baaq ugu diray dadka Qurbo-joogta ah ee Burco u dhashay ee Dhulka banaan ku leh Magaalada, kuwaasoo uu sheegay inaanay cashuuran Dhulkooda, hadana doonayaan in loo ilaaliyo.
“Waxaanu wax qaban karaynaa markay dadweynuhu cashuurrta bixiyaan, marka aanu cashuurtaa helno ayaanu qabanaynaa oo nalooga fadhiyaa wixii naloogu igmaday Kuraasta aanu ku fadhino”
Maadaa aynu sanad cusub galnay waxa laynooga fadhiyaa Cashuurtii inagu waajibtay, waxaana ka mida Cashuurta Dhulka banaan, cashuurta Dhulka Beeraha ah iyo nooc kasta oo cashuura oo dadweynaha ku waajibtay”ayuu yidhi Xoghayaha Fulinta dawladda hoose ee Burco.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “2000-dii ayaa Diwaanka Cashuurta ka geliyay Computer-ada dawladda hoose ee Burco, waxaynu ka joognaa 14 sanadood, waxa jira dad qurbo-joog ah oo dhulkooda aan cashuurin 14-kaa sanadood, markaa waxaan u sheegaynaa mawaadiniintaa qurbaha jooga ee aan ilaa wakhtigaa cashuurin Dhulkooda, inay cashuurtaan, hadii kale Ninka Dhulka seeska yar ku xidhay ee aan cashuurin kama xigo dadweynaha kale ee Reer Burco.
Waxaan mar kale shacbiga Reer Burco ku adkeynayaa inay cashuurta bixiyaan”ayuu yidhi.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/M2U00336.mp3"][/audio]
Xoghaye Cismaan, ayaa sidoo kale bulshada u soo jeediyay inay nadaafadda Magaalada ilaaliyaan, isla markaana joojiyaan qashinka waddooyinka la dhigayo.
“Qodobka labaad waxa weeye Nadaafada, Nadaafadu waxay ka mid tahay Iimaanka, sidaa darteed waxaan dadweynaha reer Burco ku baraarujinayaa inay nabadaafada ilaaliyaan oo ay qashinka Guryahooda intay ka soo qaadaan waddooyinka ay dhigayaan joojiyaan”ayuu yidhi.
Xubno ka mida Golaha Deegaanka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Fanaanka Jaamac Batalaale iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Gobolka Togdheer oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dadweynaha ugu baaqay inay Cashuurta bixiyaan, Ilaaliyaana Bilicda iyo Nadaafadda Magaaladda.
Kooxda Fanka iyo Hidaha iyo Dhaqanka ee HIDDO, ayaa iyaguna kulankaasi intii uu socday ku soo bandhigay barmaamuj ku saabsan wacyi gelinta Bulshada ee labada Mawduuc ee shirkan lagaga hadlayay oo kala ah bixinta cashuurta iyo Ilaalinta Nadaafadda.
Gobanimonews
Burco Office