Wednesday, February 12, 2014

Waa sidee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud?


Muqdisho(GNA)-Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud , ayaa la sheegay inay wanaagsantahay.




Tan ayaa ka dambeysay , ka dib warar soo baxay ilaa xalay oo sheegayay inuu aad u xanuunsanayo madaxweynuhu.




Afhayeenka madaxtooyada Somalia Ing. C/raxmaan Yariisow oo war kooban soo dhigay bogga facebook ayaa sheegay sheegay in warar been abuur ah oo ay faafinayaan dad cadow ah, lagu sheegay inuu Geeriyooday madaxweynuhu,




 “Madaxweynuhu wuxuu joogaa dalka Turkiga xaaladiisa caafimaad wey fiican tahay, wax dhibaato ah oo uu qabo ma jirto, wararka suuqa la geliyeyna waa been abuur ay ka dambeeyaan dad cadow ah” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada.




Magaalooyinka Somalida qaarkood ayaa saaka lagu waaberiistay  warar sheegaya  inuu geeriyooday madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.




“iminka ayaa Muqdisho layga soo sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Geeriyooday”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Nin Xasan magaciisa la yidhaahdo oo ku sugan Magaalada Hargeysa.




Wariyeyaasha Gobanimonews ee Gobollada Somalida qaarkood ayaa dareenka Bulshada Somalidu ku waaberiisatay sheegaya in meelo badan laga hadal hayay.




Hase ahaatee Madaxweynaha ayaa la sheegay inay xaaladiisa Caafimaad fiicantahay.




Gobanimonews




Muqdisho Office