Wednesday, February 12, 2014

Maxamed S. Tubeec: Fanaan Taageero ka haysta Bulshada fac kasta oo dhasha!


Maxamed-Saleebaan-TubeecBarlin(GNA)-Fanaanka, Boqorka Codka Maxamed Suleebaan Tubeec ayaa Mudooyinakaan u Dambeeyay Ku Xanuunsanayay Cisbitaal ku yaala Dalka jarmalka.




Qaybo ka mid ah Bulshada Somalida ayaa markii ay maqleen xanuunka la soo dersay ku booqday Cisbitaalka, kuwaasoo ka kala tegay dalka iyo dibaddaba.




Maxamed Suleebaan Tubeec ayaa Taageero weyn iyo sumcad fanned ku leh dalkiisa Somalia iyo guud ahaanba geyiga Somalidu degto.




Waa fannaan ku caan-baxay cod tolmoon iyo heeso tarantoodu badantahay oo caan ka noqday geyiga.




Heesaha ayaa isugu jira kuwo waddani ah iyo jacayl ama metelaad debecsan.




Waxa ka mida heesihiisa waddaniga ah heesta Gobonimada. oo ay wada qaadaan Hibo Maxamed Hudoon Hibo Nuura, Qolo Qolo,  Nin ku siray Wax kuu sheeg oo ay wada qaadeen AUN Xaliimo Khaliif Cumar 'Magool'Salaad Maxamed Shardi ' Salaad'Darbi iyo Fanaanada Saynab Cige Maxamed.




Heesaha Dabacsan ee uu La qaaday Hablaha fanka Soomaaliyeed ku suntan waxa ka mid ah, Minankiina.Neyruus, sida sida, Aramida oo ay Wada qaadeen AUN Magool, Guryosamo,Toogo Waa Ma Huraan oo ay wada qaadeen Maandeeq, Taladaan La ruugin oo ay wada qaadeen Maryan Mursal Ciise Ha iga goosan oo ay wada qaadeen Aamino Feer Xuseen  iyo Haye Gacale Nabad oo ay wada qaadeen Nimco Yaasiin.




Fanaaniinta Dumarka ah ee uu la heesay, waxa ka mida AUN Xaliimo Qaliif Magool, Faadumo Cabdulaahi Kaahin’ Maandeeq’, Maryan Mursal Ciise, AUN Marwo Maxamed Ismaaciil, Aamino Feer Xuseen iyo Nimco Yaasiin Caraale.




Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed waxa looga baahanyahay inay ugu duceeyaan fanaanka Maxamed Saleban Tubeec inuu Ilaahay Xanuunka ka dulqaado, uguna bedelo Caafimaad sareecana.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com