Maansada waxa curisay Hodan Aadan Siciid ,waxaanay soo baxday 29/11/2013.
Abwaanka ayaa sheegtay in Maansadan ay tirisay ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu dhagax dhigay Jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.
“Maansada ujeedadeedu waxa weeye inaan ku dhiiri geliyo dhismaha laamiga isku xidha Burco iyo Sanaag, waxaanan u tiriyay madaxweynaha Somaliland”ayay tidhi Abwaan Hodan.
Waxaanay Maansadda ku biiowday sidan:
Ahmed waa halyey qaran mucaaradkaa cabaadee
Geesi hiilka jeceloo caadaystey eedaha
Umaduu hogaanshana mid yarbaanucugayaa
Ruux haduu dedaaloo
Haddimada udiidoo dadkaiyo dalkiisaba
Hogaan daacad dhaba oo daacad horumar ugu daro
Balan qaadka hawlaha lama daba dhuhleeyee
Hagrashada udiidoo waa inaad udeysaan
Himilada dadkiisana daba dhilif adoon noqon
Hor illaahay geesigu deelqaafna kaa dhicin
Hadafkay ujeedaan dedin xaajo maragloo
Hakad kama dhex geliyoo shaashadaha wax duubana
Higsigay lahaayeen doormoodin eedayn
Horumarkooda oo idil dib intaad unoqotaan
Wuu uhuraa halyeygani damiirkiin xujaysaan
Hantiyo dedaaliyo dalka iyo dadkiinaba
Hawlkarnimo dulqaadiyo danahooda gaarka ah
Go aan hagarbaxoo wacan udareera nimanyahow
Ayuu ugu hirgeliyaa
Taasi waa dardaarane
Taasi waa hubsiimiyo midkalaan kudarayaa
Hadafka geesi leeyahay siinleyda maansada
Ee aanhoos udaadego waxan kugu sagootiyey
Saqda dhexe habeenkii
Markuu seexdo aadmigu
Maantana halyeygani weyneheena sare jira
Hadii uuhibeeyoo samooyinkiisa oo idil
Hadafkaa mudada badan ta uwada sokaysana
Heerkastaba hogaan kale marka uukusugan yahay
Dhabtii uuhareermaray intaan sare kacaabaan
Geesigaa ku dhiiraday salaatu leyl tukanayaa
Ubadheedhay siigada sacabadaan udhigayaa
Baaxad soorahaa dheer saatir waxan katuugaa
Dhibta inuu laqaybsado subaxa ay adoomuhu
Dhidibada utaagoo inta badan silbanayaan
Dhabadaa sanaagiyo safka kuwa karaacee
Togdheer cidhifyadeedaba saamaxo ilaahay
Ku caraabo galabnimo lasaftana rasuulkii nnkh
Caadil buu lakaashaday ambiyada sintoodii
Cimrigii haraageeeeeeeeeeee hadhka saatir wada gala
Siilaanyo kaayeel...
Mucaaradkaa cabaadee
Caadaystay eedaha
Midyarbaan ucugayaa
Ruux haduu dadaaaloo