Thursday, February 20, 2014

Xirsi: Ninka Tuuga ah Raadkiisaa la waayaa. Dhegeyso


Dhegeyso: Wasiir Xirsi oo mar kale  Maahmaahay, muxuuse yidhi!




xirsdsWasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay qayb ka mida agabka dhismaha waddada Ceerigaabo oo dalka soo gaadhay.




Xirsi ayaa sheegay inay sabtida soo socota soo bandhigayaan magacyada dadka qaadhaanka waddada Ceerigaabo bixiyay iyo kharashkii ay bixiyeen.




Waxa uu sheegay in qaybtii ugu horaysay ee qalabka waddadu soo gaadhay, isla markaana wixii ka dhimana ay sida ugu dhakhsaha badan u soo iibinayaan.




Waxa kale oo uu si laylinimo ka muuqato uga daree celiyay dhaliilaha looga soo jeediyo Waddooyinka, khaasatan Ololaha uu ugu jira waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabayo.Waddos




“Habeenka sabtida ee soo socota ayaanu soo bandhigaynaa qofkasta oo qaadhaanka waddada bixiyay, ninkii been sheegaya iyo kii kaloowba”ayuu yidhi.




“waxaan leenahay hadii aanu nidhi qalabkii waa la soo iibinayaa waakaa yimi, hadii aanu nidhi waanu bilaabaynaa waddada oo madaxweynuhu dhagax dhigay sideedda ayaanu u fulinaynaa, kii ka naxaya iyo kii wax ku darsanayoowba”ayuu ku tiraabay.




Halkan ka dhegeyso, Wasiir Xirsi oo maahmaah cajiib ah oo kale ku faanay:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Wasiirka-Madaxtooyada-oo-ka-Hadlay-agabka-Wadada-Ceerigaabo-ee-maanta-soo-gaadhay-Dalka-.mp3"][/audio]