Monday, February 10, 2014

laba ka mida ah Hogaanka Guddi Beeleedka Talo iyo Tawfiiq oo la xidhay


Hargaysa(GNA)-Ciidanka Bilayska ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen Gudoomiyihii Guddiga Beeleedka Talo iyo Tawfiiq Xasan Xuseen iyo Yaasiin Maxamed nuur oo isaguna ahaa Gudoomiyaha Maaliyada ee Guddidaasi.




Xadhiga labadan xubnood ayaa wax yar ka dambeeyay mudaharaad kooban oo ka dhacay Xaafadda New Hargeysa.




Warar laga soo xigtay xubno ka mida Guddida sare ee Talo iyo Tawfiiq, ayaa sheegaya in lagu xidhay xabsiga Kood buur ee Magaalada Hargaysa.




Talabaadan ayaa dabka ku sii shidaysa guux faro badan oo caawa ka taagan Xaafadaha Bariga Hargeysa oo ay Taageerayaasha Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ku badanyihiin.




Xaaladahan isbed-bedelaya ee ku soo kordhaya Khilaafka Shir-guddoonka Wakiillada ayaa laga walaacsanyahay inay shaqaaqooyin sababaan.




Gobanimonews




Hargeysa Office