Monday, February 10, 2014

Cabdiraxmaan C/qaadir oo Maanta ku qoslay Madaxweyne Siilaanyo .Daawo


Aniga Siilaanyo waa abtigay, reer abtigayna waa saddex qaybood maanta…




Hargeysa(GNA)-Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa si layaab ka muuqdo ugu qoslay siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo.




Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa ka soo dhex muuqday Maanta oo Axad ah Golaha la baxay Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka, laba sanadood ka dib markii uu siyaasadda ka indho qarsaday, ka dib markii si fool xun looga qaaday xilkii uu ka hayay Xisbiga talada haya,




Isagoo ka hadlayay Shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa wuxuu sheegay in  shaki kaga jiro in talada waddanku madaxweyne Siilaanyo gacanta ugu jirto iyo in kale.




“aniga Siilaanyo waa abtigay, reer abtigay waa dad gob ah, maanta saddexbay u qaybsanyihiin qayb carqalada Golaha Wakiillada gacanta kula jirta, qayb aamusan iyo qaar wanaagsan oo dareemaya dhibaatada la wado”ayuu yidhi.




Halkan ka Daawo: