Monday, February 10, 2014

Dibad bax looga soo horjeedo Sharci Dawladda Turkey ku xakameynayso Internet-ka


stabIstanbul(GNA)-Booliiska Turkey ayaa ku kala eryay biyo iyo gaaska ilamada dadka ka keenta boqolaal qof oo ka mudaaharaadaya sharci cusub oo lagu soo rogay Internetka magaalada Istanbul.




Dadka qaarkood iska cabin kala hortageen boliiska oo xiray fagaaraha Taksim Square.




Sharciga cusub hadii madaxweynaha uu ansixiyo ayaa ogolaan doona in dowlada ay xayirto bogga internetka saacado gudahood, iyo inay dowladda ay shirkadaha internetka waydiisato dadka isticmaalaya bogga internetka.




Dadka dhaleecaynaya sharciga ayaa sheegaya in  sharcigan uu qayb ka yahay qorshe dowladdu ay ku doonayso inay ku ogaato doodaha looga hadlayo khadadka internet-ka, khaasatan fadeexooyinkii musuq maasuqa ee dowladda.




Cabsida kale ee jirta ee internet-ka loo xakameynayo, ayaa lagu tilmaamayaa in laga abaabulo kacdoono ka dhan ah dawladda.




Daraasado soo baxay ayaa tilmaamaya in Kacdoonkii waddamada Carabta ee  labadii sanadood ee la soo dhaafay dhacay Internet-ku qayb weyn ka qaatay inay dadku xidhiidhaan, isna abaabulaan.




Mareegaha Bulshadu ku xidhiidho ee Facebook iyo Twitter iyo qaar kale oo badan ayaa Kacdoon abaabuleyaashu si fudud farriimaha isugu diri jireen.




Waddanka Masar ayaa aad looga isticmaalay, kacdoonkii lagu riday Xusni mobaarig.