Ceerigaabo(GNA) weriye-C/laahi Xuseen Darwiish oo ah Weriyaha warbaahinta Royal TV, Wargeyska Waaheen iyo Shebekedda Oodweynenews ee Magaalada Ceerigaabo Ahna Wakiilka Ururka Solja ee G/Sanaag Ayaa Xalay abbaara 10:30-pm rag dhallinyaro madaxa soo duubtay oo ku hubaysan Budhadh Iyo Toorriyo isagoo Xafiiskiisa hortiisa Telefoon ku hadlaya waxay halkaas hareeraha kala galeen budhadhkii ay siteen. Waxana weriyaha soo gaadhey dhaawacyo intooda badani madaxa iyo wejiga ka gaadheen.
Weriyaha ayaa loola cararay cusbitaalka guud ee Ceerigaabo, sidoo kalena kooxdii hubaysnayd ee weriyahan weerarka kusoo qaaday ayaa boliisku mid kamid ah gacanta ku dhigeen. Kaasoo Maayorka Ceerigaabo Adeer u yahay oo walaalkiis dhalay, waxana ninkan la qabtay boliisku ku xidheen Saldhigga Dhexe Boliiska Ceerigaabo.
Arrintan ayaa daba joogtey kaddib markii dhacdadan hal habeen kahor Maayorka Ceerigaabo weriyahan kasoo saaray guriga martida ee Ceerigaabo isagoo ku yidhi
Waxana taas ka danbaysey isla maalinnimadii labaad wiil ka mid ah wiilasha maayorku dhalay inuu weriyahan telefoonka uga soo hanjabey isagoo ugu ballan qaaday inuu naftaba waasiin doono. Hanjabaaddan oo weriyuhu gaadhsiiyey Madaxa C-I-D-da boliiska Ceerigaabo Waxana waxyaabahaasi marag u yihiin weerarka caawa weriyahan lagu soo qaaday inuu yahay mid laga soo abaabuley guriga maayorka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur.
Waxaa iyana layaab noqotay ninkii dhawaca u gaystay weriye Darwiish inuu saldhiga kala baxay maayorka degmada ceerigabo lamana garanayo sababta u masuulkan denbii laha ugala baxay saldhiga
Dhinaca kale hay’adaha sharciga ayaa laga filayaa weerarkan weriyaha lagu qaaday iyo waxyeellooyinkan loo geysteyba inay dadka loo qabtay ee maayarlka degmada ceerigabo u kala baxay saldhiga iyo kuwa loo tuhunsan yahayba sharciga ku abaal-marin doonaan.
Halkan Ka Dhageyso Codka
[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Dhegayso-Codka.mp3"][/audio]
Gobanimonews-Desk
Ceerigaabo/Sanaag