Hargeysa(GNA) Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Ayaa Maanta Ka soo laabtay safar gaaban oo uu ku tagay Dalka itoobiya. Waxaana Madaarka Hargaysa Ku Soo Dhaweeyey Qaar ka Mid ah Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Iyo Masuuliyiin ta Xisbiga Wadani.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxa uu sheegay Xukuumaddu mudadii ay talada haysay in ay ku mashquushay Golaha Wakiiladda oo ay ilowday qaranimadii isagoo taas uga digaya waxa uu hawada u mariyey in ay faraha kala baxdo Golaha Wakiiladda maamulkiisa oo aan marnaba wax dagaal ah la galin Xukuumadda.
C/raxmaan Cirro waxa uu si badheedh ah u sheegay in Xukuumaddu dagaal toos ah kula jirto Golaha Wakiiladda, waxaanu usoo jeediyey in ay faraha kala baxdo arrimaha yaala gudaha Golaha wakiiladda oo ay ku mashquusho arrimaha Qaranka ee loo doortay.
Waxaanu Cabdiraxmaan Cirro Yidhi:
“Waxaan jecelahay laba ama sadex fariimood In aan shacbiga reer Somaliland gaadhsiiyo fariinta koowaad waxaa weeye Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Intii ay jirtey xukuumada axmed maxamed siilaanyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marna Dagaal lamay gelin hadana kulama Jirto Laba waxaa soo Ifbaxay Oo Si Qaawan u Muuqday In Xukuumaddu Arrimaha U Gaar ka ah Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Gacanta Kula Jirto Sadex Waxaan Kula Talinayaa Xukuumadda Inay Faraha Kala Baxdo Arrimaha U Gaar ka ah Golaha Wakiiladda Oo Ay Ku Mashquusho Arrimaha Qaranku U Igmaday”
Gudoomiyuhu Isagoo Hadalkiisa Wata Wuxuu Yidhi
“waxaan Salaamayaa Dhamaan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Meel Kasta Oo Ay Joogaan Rag Iyo Dumarba Waxaanan Ku Kalsoonahay Mudanayaashu Inay Sharaftooda Iyo Sharafta Qarankaba Ilaalin Doonaan”
Hadalkan Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa noqonaya dar-daarankiisii ugu danbeeyey ee uu ku waajahayey Mooshin Xukuumadda talada haysaa Berri ku keenayso Golaha Wakiilada, Iyadoo Xukuumaddu Goclo Orod Uugu Jirta Inay Wax Ka Bedel Ku Samayso Xeerkii Dhawaan Goluhu Ansixiyey.
Gobanimonews-Desk
Hargeysa/Somaliland