Wednesday, February 5, 2014

Jamaal Cali: Reer Burco way diideen wixii xilka lahaa ee Xukuumaddu Gabiley nagaga sameeysay”


Dhegeyso:Goormaa la yidhi Somaliland Visae haloo kala qaato, waa goorma xiliga dalka Gobol-gobolka loo qaybiyay”Dhegeyso Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo Reer Burco iyo Gabilye isbar-bar dhigay…




vlcsnap-2014-02-05-17h19m36s244




 



Burco(GNA)-Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID iyo ku-xigeenkiisa oo ay weheliyaan xubno sarsare oo Xisbiga Ucid ka tirsan, ayaa soo gaadhay Magaalada Burco, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.




Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa afaafka hore ee Xafiiska Gobolka ee xisbigaasi kala hadlay Taageerayaasha soo dhaweeyay iyo dadweyne kale oo tiro badan, ka dib markii ay gudaha magaalada ku soo wareegeen iyagoo ay galbinayaan Gaadiid tiro badani.




Weftiga ayaa intii aanay soo gelin Gudaha Magaalada lagu joojiyay Hudheelka Cigaal ee ku yaala halka laga soo galo Magaalada, halkaasoo Maamulka Gobolka ee dawladdu ku amray inaanay soo dhaafin, iyagoo ku andacoonaya in hadii ay Magaalada ku galaan buuq iyo Saxmad ay taasi keeni karto Xaalad amni daro iyo iska hor-imaad bulsho.




balse  hogaanka weftiga iyo dadkii soo dhaweeyay, ayaa taasi ku tilmaamay buuq samaysi iyo talaabo xumaanteedu la mid tahay tii Gobolka Gabiley lagaga sameeyay Jamaal Cali Xuseen iyo isla wefti Ucid ah, isagoo dabayaaqadii sanadkii 2013 hogaaminaya.




“waxa ayaan daro ah walaaleyaal in Badhasaabka Gobolka Togdheer uu  isku dayay inuu yidhaahdo ma soo gelaysaan Magaalada oo nalugu joojiyo Hudheelka Cigaal ee Duleedka Magaalada, naguna yidhaahdo ma tegeysaan magaaladiinii oo ma booqan  kartaan xafiisyadiina, tani waxay la mid tahay oo ay  Reer Burco ka diideen wixii Xilka lahaa ee ay Xukuumaddu nagaga samaysay Kaantaroolka Caabu d la’ ee Gobolka Gabiley.




 Reer burco tiibay diideen oo Jabiyeen, waanay ku mahadsanyihiin”sidaasi waxa yidhi Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid  Jamaal Cali Xuseen oo la hadlayay Taageerayaasha .




Jamaal ayaa intaasi raaciyay “xalay waxaan telefishanka Qaranka ka arkayay rag xukuumadda ka tirsan oo Xisbiga Ucid inay isku dhuftaan doonaya oo munaafaqad ka dhex wadda, waxaan leeyahay xisbiga Ucid waa xisbi Cadaalada ku suntan ee Telefishanka Qaranka ee Miisaaniyadiisu tahay 3.5 Milyan Dollar-ka in umadda laga manjaro habaabiyo maaha”ayuu yidhi.




“annagu Universal maanu difaacin ee waxaanu difaacnay Xoriyadda Saxaafadda, iyaguna saxaafadaasuunbay ka mid yihiin, raga xamar ee ay Maagayaana waa kuwa ay iyagu saxeexeen”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jamaal..




Halkan ka dhegeyso Khudbada Jamaal Cali Xuseen:-[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Jaamaal14.mp3"][/audio]





vlcsnap-2014-02-05-17h19m30s187 vlcsnap-2014-02-05-17h19m43s65 vlcsnap-2014-02-05-17h19m56s189 vlcsnap-2014-02-05-17h20m05s15 vlcsnap-2014-02-05-17h20m13s110 vlcsnap-2014-02-05-17h31m17s96 vlcsnap-2014-02-05-17h31m39s68 vlcsnap-2014-02-05-17h31m48s146 vlcsnap-2014-02-05-17h32m17s183 vlcsnap-2014-02-05-17h32m25s1 vlcsnap-2014-02-05-17h32m31s67 vlcsnap-2014-02-05-17h32m37s129 vlcsnap-2014-02-05-17h32m44s201




Dhinaca kale, waxa halkaasi ka hadlay, Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbigaasi iyo Suldaan Maxamed Cunne oo iyaguna dadweynaha kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka iyo Amaanka.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xasan-Mataan14.mp3"][/audio]




Dhinaca kale, Taageerayaasha Xisbiga Ucid, waxay weftiga kaga hor-yimaadeen Tuulada Qoyta oo 20KM u jirta Magaalada Burco .vlcsnap-2014-02-03-15h25m50s93




 



Ka hor intii weftigu halkaasi soo gaadhin waxa  degmada Sheikh ee Gobolka Saaxil kaga hortegay, Guddoomiyaha Gobolka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, Maayirka Degmada Burco iyo Masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan.




Xubnahan ayaa weftiga ka dalbaday inaanay Gudaha Magaalada u gudbin, taasoo laysku maandhaafay.




Masuuliyiinta dawladda ayaa markii ay ka yimaadeen weftiga oo ay ka soo yara horeeyeen, hadana isu taagay Hudheelka Cigaal ee Magaalada Buro laga galo, halkaasoo ciidan bilays ah oo faro badan la dhigay.




Bilayska iyo Taageerayaasha oo isfaro saar dhex maray




vlcsnap-2014-02-05-17h32m12s134




 



Taageerayaasha Ucid iyo madaxdoodu mrkii ay soo gaadheen Hudheelka Cigaal, waxa markiiba isfara saar dhex maray Ciidanka amniga iyo Taageerayaasha Xisbiga, kaasoo ka bilaamay Shiid iyo qaylo dhalinyaro weftiga la socday ku bilaabeen Bilayska.




Markii ay dhalinyaradu shiideen Askarta waxa goobta ku sugnaa Badhasaabka Gobolka, markii ay Dhalinyarada shiitantay iyo Bilayska la kala dhex galay amar bixiyay in Magaalada loo fasaxo weftiga.




Intii hogaanka Xisbiga iyo taageerayaashoodu dhex marayeen Magaalada wax la arkayay Kollanyo ciidanka amniga ka mida oo weftiga dusha ka ilaalinayay iyo kuwo taagan waddooyinka si ay u sugaan nabad-gelyada Magaalada.