Wednesday, February 5, 2014

Maamulka Gobolka Togdheer oo Xayiraada ucid uga baaqday kormeer ka baxsan Magaaladda Burco


Xayiraada Ucid oo noqotay sababta qudha ee la aaminsanyahay inuu u baaqday socdaal laba maalmood uu ugu bixi lahaa Degmooyinka..




Burco(GNABadhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse ayaa baajiyay kormeer hawleed oo uu maanta ugu bixi lahaa Degmooyinka hoos yimaada Gobolka.




Safarkan oo sida laga soo xigtay, ahaa  mid uu xaqiiqo raadin ku galaa bixinayo degmooyinka gobolka, maadaama uu xilka iyo Gobolkaba ku cusub, yahay, ayaa waxa ku wehelin lahaa isuduweyaasha Wasaaraddaha dawladda ee Gobolka ka hawl-gala, Taliyaha qaybta Bilayska iyo Masuuliyiin kale.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha oo la xidhiidha sababta baajisay Safarkaasi, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa tibaaxaya inaanu Magaalo-madaxda ka baxayn inta ay ku suganyihiin xubnaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ka socda ee uu hogaaminayo Jamaal Cali Xuseen.




Ilo-wareedyo Gobanimonews heshay, ayaa intaasi ku daraya in Guddoomiyaha iyo weftigiisu u baaqdeen amar kaga yimi Caasimadda Hargeysa ee dalka laga maamulo.




Amarkaasi ayaa qayb ka noqday talaabo maanta lagu hakiyay weftiga Xisbiga Ucid ee soo gaadhay Magaalada Burco, isagoo badhasaabku hogaanka weftiga Ucid u sheegay in Wasaaradda arrimaha Gudaha laga soo bixiyay amarka lagu hor-istaagay weftiga.




Dhinaca kale, Guddoomiye Maxamed Muuse Diiriye, Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad iyo Xoghayaha Dawladda hoose ee Burco, ayaa hawl-maalmeedkoodii shaqo ee Maanta ku lumiyay ka hortaga Xisbiga UCID, iyadoo aanay mar ka saldhigin sidii ay ula socon lahaayeen dhaqdhaqaaqooda.




Maxamed Muuse Diiriye ayaa la arkayay, isagoo markii ay xafladda lagu soo dhaweeyay hogaanka xisbiga taagan meel wax yar u jirta goobta ay ka socotay, isagoo qolaaliyey.




Sidoo kale, xubnahan dawladda, ayaa afaafka hore ee Cigaal Huteel ka dhigtay Isbaaro damaanad lagaga reebo Madaxda Ucid, si magaalada loogu fasaxo, iyagoo halkaasi markii Taageerayaasha Xisbiga iyo Bilaysku isku faro saareen xubno ka mida Xisbiga ucid waydiistay inay damaanad ka bixiyaan cida masuuliyaddeeda qaadaysa hadii wax rabshad ahi ka dhacdo gudaha magaaladda inta ay dhex marayaan.




Geesta kale, dadweynaha Reer Burco ayaa dareen aan wanaagsanayn ka bixiyay go’aanka lagu hor-joogsaday Weftiga Ucid, iyagoo ku tilmaamay arrin fool xumo weyn iyo nusqaan ku ah hanaanka dawladnimada iyo dastuurka.




“arrintani waa mid  fool xumo iyo ceeb ku ah qaranka”sidaasi waxa yidhi mid ka mida Dadweynaha Reer Burco oo Gobanimo news u waramay.




Geesta kale, Salaadiin iyo xubno dhalinyaro ah oo ka hadlay xaflada Xisbiga Ucid ku qabsaday Xafiiskooda Burco, ayaa  wax lala yaabo ku tilmaamay in Jamaal Cali Xuseen loo diido magaalada Burco “waa wax lala yaabo in la yidhaahdo Xisbiga Ucid soo geli maayo Burco, taa ninka ku  hadlay wuu riyooday”sidaasi waxa yidhi Suldaan Maxamed Cunne.




Waxaanu intaasi ku daray “Xukuumadda waxaan leeyahay doorashadii sanad iyo wax yarbaa ka hadhay ee Umadda masiirkooda iyo rabitaankooda ixtiraama”ayuu yidhi.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com