Addis(GNA)-Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Maanta oo Khamiis ah daboolka ka qaaday inay dawladdiisu heshay xogo ku saabsan weeraro argagixiso oo Kooxda Alshabaab la maagantahay inay dalkiisa ka fuliso.
Ciidamadda Itoobiya ayaa dhamaadkii sanadkii tegay ku biiray hawl-galka AMISOM ee Somalia, waxaana maalmihii ugu dambeeyay la arkayay Ciidamo tiro badan oo dhinaca Itoobiya uga soo talaabaya Gobollada dhexe ee Somaliya ,iyagoo ka soo gudbaya soohdinta labada dal u dhaxaysa.
Hailemariam Desaleing ayaa hadal uu siiyay warbaahinta Itoobiya ku sheegay inay ciidamadda dalkiisu ka hotegayaan khatarta Ururka Alshabaab ku hayo Mandaqada.
"Ciidamadeennu waxay ka qaybqaadanayaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna howlgalkooda ugu horreeya ka billaabayaan gobollada dhexe," ayuu yiri Desalegn.
Waxaanu intaasi ku daray inay Heleen warbixino muujinaya weeraro al-shabaab qorsgeynayaan inay ku soo qaadaan gudaha Itoobiya "Waxaan helnay warar sheegaya in Al-shabaab ay doonayso inay weerarro argagaxiso ka geysato dalkeenna sababo la xiriira inaan ka mid noqonnay AMISOM, balse waxaan diyaar u nahay inaan ka hortagno weerar walba oo Al-shabaab nooga yimaada," ayuu hadalkiisa ku daray.
Kooxda Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay inay iska difaacayaan weerarada uga Imanaya Ciidanka Itoobiya, iyadoo maamulka degmada Guri-ceel sheegeen inay ciidanka AMISOM gacan ku siinayaan dagaalka alshabaab.