Gaadiidka Caasimadda oo Maanta Hal waddo laysugu duway iyo Saxmada ka dhalatay oo sawir ka bixisay Qorshe la’aanta Caasimadda+ Sawirro
Hargeysa(GNA)-Kumanaan Gaadiid ah ayaa isku xanimay Jidadka yar-yar ee Laamiga looga leexdo agagaarka Cisbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa ilaa suuqa dhexe.
Gaadiidka ayaa daba isqabsaday saddexda jiho ee isgoyska caanka ah ee Togdheer, halkaasoo ay ku kulmeen Baabuurtii hore u kala isticmaali jiray labada Laami ee badhtamaha Magaalada mara.
Mid ka mida labada waddo oo hormarta aqalka Madaxtooyada, ayaa waxa ka socda dib u dhis iyo casreyeyn lagu samaynayo, taasoo sababtay in marba meesha hawshu ka socoto la xidho.
Dib dhiska lagu samaynayo Waddadan, ayaa laga bilaabay isgosyka Gobolka ee Wasaaraddaha dawladdu ku badanyihiin, iyadoo la doonayo in la gaadhsiiyo ilaa Buurta Kala jeexan ee Galbeedka Magaaladda.
Laamiddan ayaa ah ta loogu isticmaalka badan yahay labada gelin ee maalintii, waxaanay gelinka hore muhiim u tahay dadweynaha u socda Xafiisyada dawladda ee halkaasi ku yaala.
Wadadaas ayaa laga xidhay Gooladda State house-ka iyo afaafka hore ee Wasaaradda xanaanada Xoolaha, waxaanay baabuurta dhinaca Jig-jiga yar ka imnayaa ka leexanayeen Isgoyska Xarunta C.I.D-da ee dhinaca waqooyi kaga beegan Xafiiska Badhasaabka iyo dhismaha wasaaradda qorsheynta Qaranka.
Kuwa ka yimaada dhinaca Suuqa, ayaa iyagana laga leexinayay Isgoyska Gobolka, iyadoo ciidanka Bilaysku labada jiho ee Koonfurta iyo Waqooyiga u kala duwayeen.
Tan ayaa sababtay in Laamiga Cisbitaalka dabadiisa mara ee Togdheer uu qaadi waayo Baabuurta maraysa, isla markaana saxmad iyo cidhiidhi noqdo.
Magaaladda Hargeysa ayaa inta xiliyadda socodka gaadiidku badan yahay lagu yaqaanay Jaam iyo saxmad joogto, waxaanay arrintan maanta dhacday sii saddex jibaartay cidhiidhigii ay hore waddooyinku u ahaayeen.
Laakiinse Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka ayaa meelo kala duwan Baabuurta ku kala leexinayay si aanay isu xanibin marka ay meel qudha ku kulmaan, taasise wax muuqda kamay bedelin xaaladii taagnayd.
“Waddada waxa loo xidhay waa la samaynayaa”sidaasi waxa wariye ka tirsan Gobanimonews u sheegay Taliyaha Laanta Nabad-gelyada waddooyinka ee Ciidanka Bilayska oo ku sugnaa mid ka mid ah Isgoysyada Baabuurta lagu kala horayay.
“waxaan ka soo lugeeyay Hudheelka Gargaar ilaa Cisbitaalka Guud, dhamaan waddooyinka yar yar ee isku xidha Labada laami iyo wadaddan way n ee cisbitaalka dabadiisa martaa way xidhanyihiin meel gaadhi maro iska daaye, dadka lugaynaya ayaa dirqi ku soconaya baabuurta isxanibtay awgeed”sidaasina waxa Gobanimo u sheegay mid ka mida dadkii Maanta la fajacay Xaaladda Magaalada.
Gaadiidka ku xanibnaa goobaha kala duwan ee baabuurtu is-xidhay waxa ka mid ahaa Gaadiidka Dadweynaha nooc kasta oo uu yahay, sida Basaska iyo Tagaasida , kuwaasoo aanay jirin cid masuuliyad iska saartay in waddooyin loo gaar yeelo, si aanay dadku dhibaato ugu mudan.
Saxmadda ka dhalata hadii mid ka mida labada dariiq ee ugu waaweyn Magaalada la xidho, ayaa ah arrin soo noqnoqota oo aan xal loo helin.
Ma jiro qorshe kale oo dawladda hoose ee caasimaddu ku kordhinaysa waddooyinka Suuqa dhex mara ama ay ku banaynayso ku hada shaqeeya oo intooda badan hareeraha cidhiidhi badan lagaga hayo.
Dadka ku nool Caasimadda ayaa tiradoodu kor u sii kacaysaa maalin walba, taasoo aan lahayn xakame iyo xeelad dawladdeed la barbar wadaa.
Ku dhawaad hal Milyan oo qof ama in ka badan ayaa ku nool hada Caasimadda, taasoo afar jibaar ka badan inta ay hada qaadi karto , marka la eego helida adeegyada daruuriga ah, waddooyinka iyo wixii la hal maala.
Maayirkii hore ee Magaalada Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa sameeyay labadii sanadood ee ugu dambeeyay muddo xileedkiisa qayb ka mida Laami dheer oo ku soo wareegaysa magaalada, taasoo hadii la dhamaystiro kala fududeynaysa saxmada ay Gaadiidku ku hayaan Magaalada.
Dhamaystirka Laamigaasi ayaa ka mida waxyaabaha horyaala ee laga sugayo Maayirka hada, ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee muddo xileedkoodu hal sano jirsaday.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com