Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan oo dadka ku dhaawacmay isugu jiraan askar iyo dad rayid ah.
War lasoo dhigay bogga Facebook-ga idaaadda Andlus ayaa alshabaab ku sheegtay inay weerarkaasi ku dishay saddex sarkaal oo cadaan ah iyo askar Amisom iyo kuwa dawlada ka tirsan.
Hase ahaatee Saddex xidigle ka tirsan booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah, dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayna ay ahaayeen dhammaantoo dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.
"Qaraxu wuxuu ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana dadka dhaawacyadu ay soo gaareen ku jiray laba ka mid ah ilaalada hay'adaha Qaramada Midoobay oo la bartilmaameedsaday," ayuu yiri Captain Maxamed Xuseen.
Sarkaalka ayaa weerarka ku eedeeyay Al-shabaab.
Goob-joogeyaal ayaa ku waramay in gaadhi laga soo buuxiyay Walxaha qarxa oo Weerarkan loo adeegaday, isagoo qiiq iyo Olol bixinaya ka hor intaanu qarxin.
Gaariga ayaa lagu bartilmaameedsaday gaadiid ay la socdeen saraakiil ka tirsan hay'adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Muqdisho.
Goob-joogeyaasha ayaa intaasi ku daraya inay dadkadhintay ay ka mid yihiin dad meherado ganacsi ku haystay.
Sakraalka u hadlay booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan laguna laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ay ku bartilmaameedsanayeen gaadiid ay wateen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayna ku dileen saddex ka mid ah saraakiishii Al-shabaab ee gaadiidka la socday.
Mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ilaalada hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa waxyeello soo gaartay, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay ay ku dhowdahay saldhigga weyn ee AMISOM ay ku leedahay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.
Qaraxan ismiidaamin ah ayaa kusoo beegmay iyadoo xalay degmooyin ka tirsan Muqdisho madaafiic culus lagu gaaracay, kuwaasoo mas'uuliyiinta dowladdu ay sheegeen inay ahaayeen kuwo macmal ah oo aan geysan wax khasaare ah.
Hase ahaatee dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa cabsi iyo walaac weyn ka muujinaya xeelada dagaal ee ay Dagaalyahanada al-shabaab la soo laba kacleeyeen.
Qaarkood ayaa aaminsan weerarada is-daba jooga ah ee Kooxdu ka fulinayos magaaladu muujinayaan xaalada amni daro.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com