Monday, February 10, 2014

Hargeysa: Xukuumadda oo Mudaharaad ka dhan ah Khilaafka Wakiillada Ciidan ka horgeysay


Hargeysa(GNA)-Khilaafka ka taagan kala saraynta Awooddaha Shir-guddoonka Wakiillada Somaliland, ayaa u muuqda mid bulshadda dhexdeeda dareen iyo dood badan ka abuuray.




Murankan oo muddo laba usbuuc ah Golaha wakiiladda ka taagnaa, ayaa lagu kala qaybsanyahay bulshada dhexdeeda, isla markaana si aad ah loogu hadal hayaa goob kasta oo ka mida Magaalooyinka waaweyn.




Ka sekow Magaaladda Caasimadda ah ee Hargeysa oo Mudaharaad lagaga soo horjeedo Mooshinadda laga daba keenay hoos u dhigistii Awoodda labada ku-xigeen uu caawa ka dhacay xaafaddo ka mida Magaalada oo Taageerayaasha Xisbiga Waddani ku badan yihiin, magaaladda Burco, ayaa bulshadu si weyn ugu dhegtaagaysaa mawduucan.




Mooshino midkood awoodda Guddoomiyaha Wakiiladda la simayo labadiisa ku-xigeen, ka kalena la doonayo in lagu soo badhi taaro awoodda labada Guddoomiye xigeen ee Golaha la soo doorto, kuwaasoo aqalka madaxtooyadu daba ka riixayo, ayaa maalintii labaad laga baajiyay inay xildhibaanadu cod u qaadaan.




Rafadka arrintan ayaa sababtay inay dadka oo dhan wada gaadho, noqotana mawduuca loogu hadal haynta badanyahay meelaha siyaasadda lagu falanqeeyo, hase ahaatee ilaa hada ma muuqato sadaal sax ah oo laga bixinayo maxsuulka sheekadan.




Odayaal iyo wax-garad maanta ka hadlay Magaalada Burco, ayaa ka digay inay xukuumaddu soo faro-geliso arrimaha Golaha wakiilada,waxaanay sheegeen inay taasi meel ka dhac ku tahay Dastuurka Qaranka.




Dhinaca kale, mudaharaad kooban oo dhawr meelood ka dhacay caawa Magaalada Hargeysa, ayaa lagaga soo horjeeday arrimaha ka socda Golaha Wakiilada, waxaanay dadweyne Dhalinyaro iyo haween u badani Taayiro iyo walxo kale ku gubeen Laamida Xaafadda New Hargeysa dhex marta.




Wariye ka tirsan Gobanimonews oo Jidkaasi socod ku soo maray Hudheelka Kaah ilaa Suuqa, ayaa indhihiisa ku soo arkay Ciidamo bilays ah oo ka hortaga dibad baxaasi heegan loo geliyay afar riddoodka Kaalinta Galan ee xaafaddaasi.




Geesta kale, goob-joogeyaal ayaa laga soo xigtay inay ciidanka Bilaysku kala eryeen dad isugu soo uruuray agagaarka Hudheelka Baar-waraabe iyo Kaah, kuwaasoo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan Xukuumadda.




Xiisada ka dhex aloosan Aqalka Wakiillada ee dareenka Bulshada kicisay Ayaan wali meel ay sal dhigatay jirin, isla markaana maalinta berri la filayaa in mar kale laysugu soo laabto fadhi ay dhinacyada iska soo horjeedaa isku waajahayaan.




Loolanka arrimaha laysku hayo ayaa u dhexeeya Guddoomiyaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo taageero muuqata ka helaya Madaxtooyada dalka, taasoo awood aanay hore u lahayn u yeeshay.




Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf ayaa ka mid ah Xisbiga talada haya ee Kulmiye, balse ay hore dhirbaaxadii lagu dhuftay uga qayb qaateen Xildhibaanada xisbigooda ugu jira Wakiilladu.




Dib u soo laba kaclayntooda ayaa ka dambeysay canaan iyo culays meel kale laga soo abaabulay oo dusha kaga dhacay iyaga iyo xildhibaanada.




Fadhiga berri oo ah mid wali dihin, ayaa laga filayaa xaasaasiyad ka xoogan tii maanta Golaha hadhaysay oo ahayd mid si weyn bulshadu u hadal hayso , isla markaana muujinaysa inaan wax laysku habeynayaa jirin.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com