Burco(GNA)-Dawlada Hoose ee magaalada Burco ayaa maanta cashuuro dhul banaan ka Gudoontay Koox Qurbo joog ah oo uu hogaaminayo Fanaanka Iid Jaamac Batalaale.
Talaabadan ayaa ka dambeysay, Kadib markii ay dawlada Hoose ee degmada Burco ay dhawaan Digniin u dirtay dadkii lahaa dhulka Banaan oo u badan dad Qurba Joog ah inay Cashuurta iska Bixiyaan isla markaana ay dawlada hoose ka dhawaajisay inay qaar ka mid ah dadkii dhulka Banaan ee Cashuurta Bixin waayay kala wareegtay.
Xaflad arintaas ku saabsan oo lacagta casuuraha ay ku wareejinayeen qurbajoogan uu iid Batalaale horkacayay ayaa lagu qabtay Hoolka dawlada Hoose ee Magaalada Burco.
Ugu horayna waxaa halkaas ka hadlay Xoghayaha Dawlada Hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sh.Cismaan waxaanu yidhi''aad iyo aad baan ugu mahadnaqaynaa cidi sidaas Fanaanka cidii Gudataykooda ee Cashuurta Bixisay,kuwa kale ee qurba jooga ah ee lagu leeyahay waxaanu leenahay waar dhulka banaan cashuurtiisa iska Bixiyaa oo intaad iska seesataan aad iska tagtaan sidaas dhulka dadka kale kama xigtaan,cidii cashuurtaas iska Bixisa ee sida hagarla,aanta ah cashuurta u bixisa waanu abaal gudaynaa hadii ay cashuurtu badantahay waxbaanu ka daynayanaa dhulka danta Guud ah ee aanu bixinaynana wax baanu ka siinaynaa si wax fara badan baanu u samayn doonaa,Xogahaye Cismaan waxaa Kale oo uu ka hadlay dhinaca Qashinka waxaanu dadwaynaha reer Burco ugu baaqay inay qashinka kala shaqeeyaan dawlada hoose waxaanu u maadnaqay inay Ururka Hido oo uu sheegay inay iskood isu xilqaameen oo qashinka u uga Guraan Magaalada”.
waxaa isna halkaas ka hadlay Iid jaamac Batalaale waxaanu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu cashuurta Bixiyo oo uu fariintii ay dawlada Hoose u dirtay soo ajiibaya waxaanu dadwaynaha Qurba jooga ah ugu baaqay inay cashuurata Bixiyaan waayo buu yidhi Fanaanku waxay cashuurtu soo celinaysaa Bilicda magaalada,waxaanu aad ugu calceliyay inay qurba joogu cashuurta soo Bixiyaan.
Xildhibaan Shiine Faliidh,Xildhibaan Kayse Axmed raage ayaa iyaguna ugu baaqay quraba jooga iyo dhamaan dadka dhulka banaan lehba inay cashuurta Bixiyaan sidaas Fanaanka .
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office