Monday, February 10, 2014

15 qof oo ku dhintay Dab ka kacay Hudheel Xaramka u dhaw iyo 130 dhaawacmay


Madinah(GNA)-15 qof oo Xujay ah, ayaa ku dhintay 130 kalena way ku dhaawacmeen Dab ka kacay Hudheel ku yaala Magaalada Madiinah ee dalka Sucuudiga sabtidii shalay.




Dabka ayaa ka kacay Hudheelka Ishraq Al-Madina Hotel  2:33 p.m., ka dib markii cilad ku timi Qaybta Korantada ee Hudheelka, sida ay saraakiisha amaanka Gobolku sheegeen.




Dabka ayaa socday saddex saacadood, waxaanay ciidanka dab damisku ku guulaysteen inay bakhtiiyaan abaaro shantii galabnimo.




Badhasaabka Madinah  Prince Faisal bin Salman oo Warbaahinta la hadlay ayaa tacsi u diray dadkii ay ka baxeen xujayda halkaasi ku dhintay, waxaanu amray in dadka ka badbaaday dabka Hudheelka ka kacay meel kale loo bedelo.




Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya dalalka ay u kala dhasheen dadka dhintay oo u badan Masaari iyo Turkish, waxaana jira war sheegaya in sagaal ka mida ah ay ka soo jeedaan Masar.




Hase ahaatee Safiirka  Masar u fadhiya Sucuudiga Ambassador Afifi Abdel-Wahab, ayaa Telefishanka dalkiisa u sheegay in 15 Masri ku dhinteen gubashada Hudheelkaasi.




Waa dhacdadii ugu culays ee dad xujay ah kala kulanta Magaalada Madiina, ee xudunta u ah Caalamka Islaamka, halkaasoo ay sanad kasta xiliga xajka ku kulmaan boqolaal kun oo Muslimiin Caalamka isaga kala yimi.