Monday, February 10, 2014

Hargeysa: ma u baahantahay inaad Qur’aanka iyo Culuumta Diinta Gurigaaga ku barato?


Hargeysa(GNA)-Machad culuumta Diinigi ah iyo aqoonta kale lagu baranayo hab casri ah ayaa laga furay Magaaladda Hargeysa.




caalamul_quraan_1Machadka Caalamul Quraan oo ah Macahad Casri ah laguna Baran doono wax kasta oo ku aadan aqoon Guud iyo Mid Diinta, ayaa culuumta lagu baranayo ardayda loogu soo gudbinayaa khadka Inernet-ka isagoo ardaygu gurigiisa ama meel ka fofba iska jooga.




Sida laga soo xigtay Maamulka Machadkan, wuxuu ka hawl-galaa guud ahaan Dhulalka Somalidu degto.




 “ Machad  waxa uu ka ka howl gala guud ahaanba Caalamka oo dhan meel kasta oo ay joogaan ama ku nool yihiin Soomaalida, waxaana Diyaar u nahay in Caruurta dadka waawayn iyo dhalinyarada aan ku barno meel kasta oo ay joogaan hab Online-na”ayuu yidhi Maamulka oo la hadlayay Warbaahintu.




Aqoonta ayaa lagu bixinayaa hab maqal iyo Muuqaal ah“Hadaad rabto in aad is qorto Machadka ama aad tijaabisid waxaad u baahantahay: – Computer – Internet – Microphone ama sameecad -. marka aad soo diyaar-garoowdo fadlan kala soo xiriir Tilifoonada hoos ku Qoran”ayuu maamuluhu hadalkiisa ku daray.




Waa Dugsigii ugu horeeyay ee noocan ah ee laga furro Magaalada Hargeysa oo ay marba marka ka dambeysa ku soo xoogaysanayaan goobaha waxbarashada lagu barto ee casriga ah, sida Jaamacaddaha iyo Dugsiyada kale ee aasaasiga ah.




Kuwaasoo qayb waliba wax cusub ku soo kordhiyaan bulshada.