Monday, February 10, 2014

Golaha Wakiillada oo maalintii 2-aad laysku faro saaray


FarosaarHargeysa(GNA)- Golaha Wakiillada ayaa fasax todobaad ah loo diray.




Talaabadan ayaa ka dambeysay buuq iyo muran todobaadyadii ugu dambeeyay hadheeyay Fadhiyada golaha.




Ergo uu hogaaminayo Odayga Guurtida Somaliland Xaaji Cabdi waraabe ayaa soo dhex galay khilaafka Wakiillada oo salka ku haya awoodda Shir-guddoonka Golaha oo labada ku-xigeen hoos loo dhigay.




Ka hor intaan waan waan laysugu soo dhawaan khilaafkaasi saaka, dagaal gacan ka hadal ah iyo buuq ayaa ka dhashay Fadhigii Maanta ee Golaha.




Xildhibaano ka soo kala jeedda labada Garab ee Shir-guddoonka Wakiillada ayaa isku faro saaray hoolka golaha dhexdiisa, waxaana dhinaca kale jiray kuwo kale oo dad shicib ahi Golaha kula dagaalameen.




Hase ahaatee Xildhibaan Xaaji Cabdi waraabe iyo Ergada Guurtida ka socda ayaa sheegay inay  sadexda xubnood ee shirguddoonka gacmaha isku saareen kana aqbaleen in maslaxad lagu soo dabaalo arrintooda.




Ergada Guurtida ayaa mudaneyaasha Wakiillada ku qanciyay in wixii muran sharci ah todobaadka Goluhu fasaxa yahay la dhamaynayo.




Inkasta oo aan heshiis muuqda laga gaadhin khilaafka Shir-guddoonka, soona baxayaan tibaaxo sheegaya in la laalayo isku shaandheyntii Shir-guddoonka Wakiillada lagu sameeyay, hadana doodda ugu badan ee bulshada dhexdeeda ayaa ah mawduucan muranka Golaha.




Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la doortay 29 Bishii October ee sanadkii 2005-tii, iyadoo isla muddo bil ah ka dibna Shirguddoonka Golaha laga dhex doortay Xildhibaanadii cusubaa ee soo baxay.




Guddoomiyaha Golaha Wakiillada cabdiraxmaan Cirro ayaa ah hogaamiye Xisbi Mucaarid oo xukuumadda faro kulul ku haya.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com