Muqdisho(GNA)-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibedda ee Burundi ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku aadan xoojinta iyo wada shaqeynta ka dhexeysa labada dowladood.
Dawladda Brundi ayaa Kumanaan Askari oo nabad-ilaalin ah u soo dirtay Somaliya, kuwaasoo qayb ka ah Hawl-galka Amisom.
munaasabad heshiiska lagu kala saxeexday ayaa waxa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood.
Kulan labada dhinac yeesheen waxay ka wada hadleen arrimo ku saabsan sidii loo dar dargelin lahaa taageerada dowladda Burundi ee Soomaaliya, gaar ahaan tababar siinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Kulanka markuu soo dhamaaday waxa Warbaahinta uga warbixiyay heshiiskaasi Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Burundi Danjire Abshir Xasan Abshir Faarax.
Danjiraha ayaa sheeegay in heshiiska labada dhinac ay kala saxiixdeen ay ugu muhiimsantahay xoojinta xiriirka diblomaaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeya.
Xukuumadda Somalia ayaa ku dadaaleysa xoojinta xiriirka caalamiga si gaar ah Xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya wadamada bariga iyo bartamaha Afrika oo dowladda Burundi ay ka mid tahay.
Madaxweynaha Somalia ayaa todobaadkii hore waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Dawladda Brundi u soo magacaabatay Somalia.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com