Berbera(GNA)-“waxaanu doonaynaa inaanu Daamurkayaga gaadhsiino Boorama ilaa Burco, waxaanan halkan ka bilaabaynaa iminka qaybtii ugu dambeysay ee hawsha dhismaha laamiga isku xidha berbera iyo Hargeysa”.
Sidaasi waxa Warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay Shirkadda Amal ee gacata ku haysa dib dhiska Jidka Laamiga ah ee isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo hada tuulada lafo-ruug dhinaca Berbera u dhaafay.
Laamigan ayaa halbowle u ah dhaqaalaha iyo isu socodka dalka, maadaama uu yahay dhuunta loogu kala goosho Caasimadda Somaliland iyo Dekedda Berbera oo ah laba isku xidhan.
Shirkadda hawsha dib u dhiska Laamigaas gacanta ku haysa ayaa rajo wanaagsan ka muujisay inay dhakhso ugu dhamaan doonto hawsheedu.
Wariye ka tirsan Gobanimonews oo shalay jidkaasi ku safray, ayaa indhihiisa ku soo arkay gaadiid badan oo isaga goosha Magaalooyinka laamigu isku xidho oo inta ay qaybta dib loo dhisay marayaan Xawaare dheer ku soconaya.
Hase ahaatee qaybta wali qabyada ah ayaa caqabad ku sii ah isu socodka Magaalooyinka dalka oo dhan, iyadoo masaafada wali dhimani ay tahay mid aan la dhayalsan Karin, inta la dhamaystirayaana ayba dhici karto in qaybtan la dhameeyay duugowdo.
Inkasta oo ay Gaadiidleydu sheegeen inay ku tanaadeen Laamigan, hadana ma jirto damaanad buuxda oo laga haysto tayada dayac tirka lagu sameeyay.
Wuxuu ka mid ahaa Waddooyin laami ah oo qayb ka ahaa Olole Wasaaradda Madaxtooyadu u gashay sidii ay ula soo wareegi lahayd Hay’adda horumarinta Waddooyinka.
Halkan ka Daawo Warbixin maanta laga diyaariyay: