Hoos ka Daawo Isimo Reer Saaxil ah oo sheegay inuu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu carqaladaynayo Kursi ay beesha Saamiga u leh hore u qawadsanayd…
Berbera(GNA)-Cuqaal, Salaadiin iyo wax garad ka soo jeedda Gobolka Saaxil, ayaa si adag u cambaareeyay awood dhimista lagu sameeyay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiillada.
Dhawaaqan ayaa lid ku ah Madaxdhaqameedyo ka soo jeedda Gobollada Togdheer, Sanaag iyo Oodweyne oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay baaqyo lagu dhaleeceynayo faro gelinta Xukuumadda ee khilaafka Shir-guddoonka Wakiilladu ka soo yeedhayeen.
Tan ayaa muujinaysa in yooyootan siyaasaddeed ee xukuumadda iyo C/raxmaan Cirro kala qaybsanaan bulshada ku keenay, isla markaana saameyntiisu xiisada taagan sii hurin karto.
Isimida Gobolka Saaxil ayaa ku dooday in hadii Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Wakiillada xilka laga qaado ama awooddiisa la dhimo, ay taasi dhaawac siyaasaddeed ku tahay saami-qaybsigii Beelaha Gobolka Sool ee Hay’adaha ugu sareeya dawladda oo ay awalba tabasho ka qabeen.
Reer Saaxil, ayaa intaasi ku daraya in Kursiga Guddoomiyaha Wakiillada ay xaq u lahaayeen Beesha Darafka Bari, balse ay ceeb tahay in loogu yimaado ku-xigeenkii ay qawadsanaayeen.
“Baashe wuxuu ku fadhiyaa Saami qaybsiga Beelaha Bariga Somaliland ee Dawladda, waxaanay ahayd inuu ka sareeyo Cabdiraxmaan Cirro, laakiinse wax caqliga gelayaa maaha in la yidhaahdo awooddiisiibaa la dhimay, taasi waxay sii xumaynaysaa tabashadii beelaha Sool”ayay yidhaahdeen Isimo ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo Maanta Berbera ka hadlay.
Isimadda oo aad u tiro badnaa ayaa dhamaantood ku taliyay in Guddoomiyaha golaha Wakiilladu ka soo dego mawqifka adag ee uu ku difaacanayo awoodda dheeraadka ah ee uu isa siiyay.
Halkan ka Daawo Shir-jaraa’id: