Berbera(GNA)-Dib u dhis iyo casriyeyn lagu samaynayo Madaarka Caalamiga ah ee Berbera, ayaa gabo-gabo ku dhaw.
Madaarka ayaa sanadkii hore badhtamihiisii laga bilaabay hawl dib loogu habaynayo qaybaha kala duwan ee Madaarka, sida Terminal-ka iyo Xafiisyada kale.
Wasiirka Duulista iyo Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku soo maray Madaarkaasi, waxaanu qayb qayb ugu kuur galay hawlaha ka socda.
Shirkad Waddani ah oo ka shaqaysa Dhismeyaasha waaweyn ayaa qandaraas lagu siiyay dib u dhiska Madaarkan.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Maayir Berbera oo kormeerkaasi ka dib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu muhiimad weyn u leeyahay madaarka Berbera horumarka Dalka.
“Madaarkan waxaanu doonaynaa inaanu shirkaddo waaweyn oo dhinaca Cargo-ga ah ku soo xidhno, waxaanay noogu fadhiyaan Dekedda iyo Madaarka Berbera muhiimad weyn”ayuu yidhi.
Maayirka Degmada Berbera Cabdi shakuur Cidi oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay inay berbera farxad weyn u tahay horumar lagu sameeyo Madaarka.
Halkan ka Daawo Muuqaalka Madaarka ee Maanta: