Muqdisho(GNA)-Afhayeenka madaxtooyada Somalia Eng. C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia uu xaalad baaritaan caafimaad u tegay shalay dalka Turkiga oo uu haatan ku sugan yahay.
Hadalkan ayaa ka dambeeyay warar soo baxayay oo sheegayay in xaalad caafimaad oo deg deg ahi la soo deristay madaxweyne Xasan Sheikh.
Eng. Yariisow ayaa tilmaamay inuusan jirin xanuun xiligan haya madaxweynaha oo sababay safarkan uu ku gaaray dalka Turkiga balse ujeedadu tahay sidii uu baaritaan caafimaad isugu sameyn lahaa.
“Ma jirto xaalad laga welwelo oo madaxweynaha caafimaadkiisa la soo deristay, muddo dheer ayuu soo shaqeynayey marka waxa uu u baahday inuu xaaladiisa caafimaad wax ka ogaado oo uu isbaaro, sida ugu dhaqsiyaha badan ayuuna dalka ugu soo laaban doonaa” ayuu yiri.
Afhayeenka madaxtooyada Somalia Ing. C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa sidoo kale sheegay isagoo la hadlayey idaacada VOA-da in madaxweynaha uu booqan doono qoyskiisa iyo caruurtiisa oo ku nool dalka Turkiga mudada uu halkaas joogo.