Monday, February 10, 2014

Chief Caaqil Xasan Shaqale: Xukuumaddu faro-gelinta ha dayso Golaha Wakiillada”.


Berbera(GNA)-Chief Caaqil Xassan Shaqalle Maxamuud Oo Ah Caaqilka Guud Ee Beesha Reer Wacays  ee deeganka Gobolka Saaxil Ayaa Warmurtiyeed Uu Ka Soo Saaray Xaalada Siyasadeed Ee Dalka gaar ahaan  Khilaafka  Ka Aloosan Golaha Wakiilada Somaliland ku sheegay in la soo afjaro muranka siyaasaddeed ee Golaha.




Chief Caaqil Xasan, ayaa tilmaamay inay Taageero u hayaan Guddoomiyaha Wakiillada kana soo horjeedaan cid kasta oo carqalad siyaasaddeed ku haysa.




Chief Caaqil ayaa warmurtiyeedka uu soo saaray ku yidhi  “Ku : Dhamaan Saxaafada Madaxa Banaan




Aniga Oo Ah Chief-Caaqil Xassan Shaqale Kana Mid Ah Cuqaasha Gobolka Saaxil,Ugu Horayn Waxaan Salaamayaa Saxaafada Madaxa Banaan Meel Kasta Oo Ay Joogto, Waxa Kale Oo Aan Salaamayaa Umada Reer Soomaaliland Meel Kasta Oo Ay Joogaan.




Sida Laga Wada Warqabo Waxa Dhawanaanahan Ka Socday Dalka Buuq Siyasadeed Gaar Ahaan Golaha Wakiilada JSL, Aniga Oo Ku Hadlaya Magacayga Iyo Magaca Afka Beesha Aan Wakiilka Ka Ahayba Waxaan Halkan Ka Cadaynayaa In Aanu Si Buuxda U Taageersanahay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) Oo Ah Masuul Xil Kasa Oo Shaqo Wanaag Iyo Hufnaan Ku Maamulayay Golaha Wakiilada Mudadii Uu Joogay.




Xukuumadana Waxaan Ugu Baaqayaa Inay Faragalinta Ka Dayso Golaha Wakiilada Oo Ah Gole Ka Wakiila Bulshada, Shaqadiisana U Madax Banaan. Haykalka Dawladnimo Ee Ay Soomaaliland Ku Soo Caano Maashay 22-Ka Sanood Wuxuu Ku Dhisnaa Wada Shaqaynta Iyo Istixgalinta Saddex-da Awoodood Ee Siman Ee Kala Ah, Golaha Xukuumada, Golaha Sharcidajinta Iyo Garsoorka, Midwalbana Distoor-Ku Wuxuu Siiyaya Awoodo U Gaara.




Xildhibaanada Golaha Wakiiladana Waxaan Ugu Baaqayaa Inay Ilaashadaan Karaamada Ay Huwanyihiin Masiirka Bulashadii Soo Dooratayna Inaanay Shilmaad Siisan, Kana Shaqeeyaan Midnimada Iyo Horumarka Umadooda, Kana Fekeraan Cadawga Hareereheena  Oo Aanay Ku Mashquulin Wax Yar Oo Gudohooda Ah.




Waxa Kale Aan Halkan Ka Cambaraynayaa Dad Maanta Lagu Ururiyey Hotel Barwaaqo Ee Magaalada Berbera Oo Cambaareeyey Gudoomiyaha  Golaha Wakiilada Iyagoo Ku Hadlaya Afka Bulshada Gobolka Saaxil , Waxaan Umada U Sheegayaa Inay Dadkaasi Hadleen Fikirkooda Oo Aanay Ku Matalin Umada Reer Berbera Oo Ah Dad Taageersan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.




C/Raxmaan Maxamed C/Laahi( Cirro ) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Waa Nin Reer Saaxil Ah Waa Mudanihii Ugu Codka Badnaa Xildhibaanadii Ka Soo Baxay Gobolka Saaxil 2005-Tii, Hadii Aanu Taageero Ka Haysan Bulshada Gobolka Saaxil Muu Noqdeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.




Guul Iyo Gobanimo




Chief-Caaqil Xassan Shaqale Maxamuud.