Monday, February 10, 2014

Somaliland: Khubaro mar kale dalka ka Bilaabaya Baadhitaanada Xasuuq


  XasuuqiiHatgeysa(:GNA)10-2-2014-aqoon dheer u leh dalalka ay ka dhacaan Xasuuqyada iyo Xabaal wadareedada ayaa markii labaad baadhitaano ka bilaabay Xabaal wadareedo ku yaal duleedka koonfureed ee magaaladda hargeysa oo ay ku duugan yihiin dadkii 1984-kii sida aan naxariista lahayn, loogu gumaaday dalka Xiligii uu dalka ka talinaayey Nidaamkii Kaligii taliska ee Maxamed Siyaad Barre.




Kooxdan Baadhitaanka shalay ka bilawday  qoditaan iyo baadhitaano  Xabaalaha ALLE ha u naxariiste dadkii sida Kooxaha  ah loogu gumaaday magaalada hargeysa ee Cafagtu ku aastay Xaafadda Badhka  halkaasi oo Kooxdan Ka socotay Wadanka Beru ay hore sanadkii 2012-kii uga qodeen 2-ba Xabaalood oo Cagaf ku aastay 1984-kii Xiliig Nidaamkii Siyaad Barre dalka haystay 38 qof oo laysku xidh xidhay,ayaa mar labaad ay tiimkan Baadhayaaha ahi hawlahoodii halkaasi ka bilaabeen iyaga oo qodidoona ilaa 3 Xabaal Wadareed oo kale.




Baadhayaashan ka hawl gala Hay’adda Caalamiga ah ee la yidhaahdo (Epafperu) oo ah Hay’ad Caalami ah  kana  soo shaqeeyey qaarado kala duwan iyo dalal aad u tiro badan oo Caalamka ah oo ay ka dhaceen Xasuuq iyo Dagaalo Isir ku saleysan ayaa sheegey inay meel fiican u marayso baadhitaano ay ku sameeyeen lafaha Xabaal wadareedadii ay sanadii 2012-kii hargeysa ka qodeen waxanay sheegeen inay hawlshana halkii ka sii wadi doonaan oo ay imikana sii qodidoonaan si loo ogaado dadka ilaa hada ku xabaalan dodadka ay Cagafyadu ku xabaaleen xiligii dagaalka Isirka ku saleysan ee Nidaamkii arxan laawaha ahaa ee Siyaad Barre Bulshadda reer Somaliland uu kula kacay.




Masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Hay’adda Xasuuqa Qaranka Khadar Axmed Like,Wasiirka Cadaaladda Somaliland Dr Xuseen Axmed Caydiid,Wasiirka Arimaha Bulshadda Md Maxamuud Barre Garaad iyo Xubnaha ka socday Hay’adda Baadhitaanadda Xasuuqa ee (Epafperu) shalay  Xabaalaha badhka ka bilaabay Qodista dhawr Xabaal Wadareedo oo halkaasi la filaayo in 25-Sano ka dib dib loo qodo si loo ogaado dadkii halkaasi Sida Arxan darada ah Nidaamkii Siyaad Barre uu ugu Xasuuqay kuna Aasay Cagaf Cagafta in dib loo qodo oo Khoborada Hay’adan ka socotaa Baadhitaano ku sameyndoonaan iyaga oo horena sidan oo kale dad tiro badan oo laysku xidh xidhay lana xasuuqay uga soo saaray Xabaalahaasi oo lagu duugay.




Guddoomiyaha Hay’adda Xasuuqa Qaranka Khadar Axmed Like oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Maanta waxa aanu halkan u joogna iyada oo ay nala joogan Xubnahan ka socda Khubarada ku xeesha dheer dalalka badan ee ay Xasuuqyadu ka dhaceen ee Caalamkana ka soo shaqeeyey ee reer BERU,si aanu  u sii amba qaadno hawl ay hore dalka uga bilaabeen sanadkii 2012-kii oo aheyd  hawl ay nagala shaqeynaayeen waa Xasuuqii dadkan loo geystay ee Nidaamkii kaligiitaliskii Siyaad  Barre uu ku xasuuqay dadka reer Somaliland ayaa ay baadhayaan Khubaradani oo Xabaalahan aynu kor joogno ee Badhka oo ay hore ugu soo saareen dadka badan 38 oo qof lafahoodi ayaa hadana aanu qododoona iyaguna baadhidoonaan hadii ALLE idmo”




Wasiirka Cadaaladda Somaliland Dr Xuseen Axmed Caydiid oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waxa aynu hada dul joogna Xabaal ka mid ah kuwa ku yaala magaaladda hargeysa oo ka sii mid ah Xabaal wadareedada ku wada yaala guud ahaanba gobolada dalka,ayaa aynu iskugu nimid saaka inay Khoborada nooga timid Caalamku ay baadhaan oo qodaan oo Xaqiijiyaan sababta ay dadkaasi u dhinteen,waana markii 2aad ee Khubaradani ay baadhaan Xabaal wadareedada Badhka oo laba Xabaal wadareedo ayey hore u qodeen kana soo saareen ilaa 38-qof oo isku xidhan oo rasaastii lagu jartay ay dharkooda ku taalo oo ah uun dadkii dalka u dhashay qaybahiisii kala duwana,marka waxa aan filayaa inay hawlahooda bilaabandoonaan khubaradan oo aqoon badan u leh hawlaha baadhitaanadda Xasuuqa ee Caalamka ka dhaca oo ay dalal badan kala soo shaqeeyeen”




Wasiirka Arimaha Bulshadda Md Maxamuud Barre Garaad oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in dalka uu ka dhacay Xasuuq baahsani xiligii Nidaamkii kaligii taliska ee Siyaad Barre dalka xukumaayey oo uu sheegay in isaga ay xusuus gaar ah ku leedahay meelo badana uu guub joog u ahaa oo Xasuuqa dadka loo geystay isaga laftiisuna uu marar badan ka bad baaday in isaga iyo reerkiisa Xasuuqaasi loo geysto balse isagu uu Isir ahaan ku nabad galay oo lagu sii daayey isla markaasna uu rag badan oo ay Asxaab ahaayeen oo la laayey garanaayo”




 Hargeysa office/Somaliland