Thursday, February 6, 2014

Dr. M. Xirsi:Xukuumadda C/wali Gaas iyo Baarlamanku waa inay hirgeliyaan Doorasho xor iyo xalaal”


Dhegeyso: Taliyihii iyo Waaxda Caafimaadka iyo Kormeerka Dhaawacyada Ciidanka ee dagaalkii 77 + agaasimihii Cisbitaalka Hargeysa dabayaaqadii lixdamaadkiisii Dr. Maxamed Xirsi.Waraysi.qaybtii2-aad




DSC00029Garoowe(GNA)-“Somaaliya siday u bur-burtay umay baabi’in ayaan qabaa, wali daba qabasho ayuu leeyahay waddanku,dadkuna waa dad wanaagsan ee hogaan fiican ayay u baahanyihiin”sidaasi waxa sheegay Wasiir u Dawlihii hore ee Caafimaadka Puntland, Dr. Maxamed Xirsi Ducaale oo aanu todobaadkan horaantiisii idiin soo gudbinay qaybtii koowaad ee Waraysi dheer oo aanu kula yeelanay Garoowe horaantii bishii January.




“Hogaamiyeyaasha Somalia,Somaliland iyo Puntland, waa inay umadda ka badbaadiyaan bur-bur.




Waa la wada hadli karaa, Puntland iyo Somalilandbaa wada hadli kara, wax u diidayaa ma jirto, biriijyo uma dhexeeyaan, waa dad walaalo ah, waa dad wada dhashay, waxa laga wada hadlayaana waa danta umadda”ayuu hadalkiisa ku daray isagoo ka hadlayay  kala aragti duwanaanshiyaha maamulada somalida iyo waliba marxalada dalku marayo “Wada hadalada Somaliland iyo Somalia waxaan u arkaa dariiq wanaagsan oo laysku fahmi karo, waxaana loo baahanyahay inay dhamaan dhinacyadu xaqiiqda isku sheegaan oo ka wada hadlaan, waxaanan rajeynayaa in natiijo wanaagsani ka soo baxdo”.




Maxamed Xirsi ayaa qaybtan kaga hadlaya, waxyaabihii uga soo joogay shaqooyinkii kala duwanaa ee uu ka soo qabtay dalka ilaa musharaxnimadiisii sanadka ee Madaxweyne ku-xigeenka, isagoo tilmaamay inuu ku hamiyayo inuu madaxweyne isaga sharaxo waddanka.




 “Xukuumadda cusub ee timi iyo Baarlamanka waxa laga rabaa inay dalka gaadhsiiyaan shantaa sanadood habka doorashooyinka ee loo yaqaan ONE MAN, ONE VOTE”ayuu kaga jawaabay su’aal laga waydiiyay aragtidiisa ku aadan Doorashooyinka Puntland.




Halkan ka dhegeyso qaybta labaad ee Waraysiga Dr. Maxamed Xirsi Ducaale:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Qaybtii-2.aad-geediga-siyaasaddamp3.mp3"][/audio]