Dhegeyso: qaybtii labaad ee Khubadihii laga jeediyay Xaflad Xisbiga ucid ku qabsaday Maanta Magaalada Burco..
Burco(GNA)-Suldaan Maxamed Cunne oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Togdheer ayaa isna Munaasibadaasi ka sheegay in Badhasaabka Gobolka Togdheer looga baahanyahay inuu dhex dhexaadnimo maamul iyo hufnaan muujiyo.
“Badhasaabka Togdheer waxaan leeyahay Meel uu Aar ka kacay ayaa Atoor fadhiistaa, waxaa lagaaga baahanyahay mideyn iyo dhexdhexaadnimo, Burco wax isdilaysaa maaha dhalinyarada iyo madaxdhaqameedka toona ee xukuumadda ayaa xumaan ka wadda”ayuu yidhi.
Suldaanka ayaa sidoo kale tibaaxay in dhalinyarada reer Burco dad dano gaara wataa mindiyo isugu dhibayaan, kuwaasoobuu yidhi qaarkood guryo ku yaala magaalada lagu tababaro si ay ula dagaalamaan dhigooda kale ee deegaamada Magaalada.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Sanaag-xildhibanmp3.mp3"][/audio]
Maxamed Siciid Yuusuf xubin ka ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid oo xafladaasi ka hadlay, ayaa si weyn u cambaareeyay falal isxig-xigay oo ay xukuumaddu kula kacday xisbiga UCID, kuwaasoo ay ka mid yihiin baadhitaan shalay lagu sameeyay xafiiska Xisbiga ee Berbera, weerarkii xildhibaan Maxamed Faarax Qabille lagu qaaday sanadkii hore, talaabadii burco lagaga hor-joogsaday hogaanka xisbiga iyo gabood fallo kale oo xisbigu tirsanayo.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Sanaag-xildhibanmp3.mp3"][/audio]
Xoghayaha arrimaha Gudaha ee Xisbiga iyo Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay, kuwaasoo si weyn u dhaliilay ficilada aan wanaagsayn ee xukuumaddu ku hayso xisbigaasi iyo dhaawacyada loo geysanayo dimuquraadiyada iyo rabitaanka Shacbiga.
Gobanimonews
Burco Office