Qurbo-jooga Somaliland waxaan u sheegayaa inay dalka ka socdaan waxyaabo ka xun xasuuqii Siyaad Barre”Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ucid
Burco(GNA)-Yuusuf Budhle oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga UCID, ayaa si cad u shaaciyay inaanu xisbigoodu aqoonsanayn Heshiisyada ay Xukuumadda Somaliland gashay sanadihii ugu dambeeyay ee la xidhiidha Siyaasadda iyo hawlaha mucaawimooyinka Caalamiga ah.
Xoghayaha ayaa waxaan la aqbali Karin ku tilmaamay Heshiiska Midowga Yurub iyo qaadhaan bixiyayaasha Caalamku u dejiyeen qaabka Somaliland mucaawimooyinka loo siinayo (SSA), kaasoo qayb wadaag la ah qorshaha new deal-ka loogu magac daray ee dhinaca Somalia.
Qorsheyaasha labadan nidaam ayaa lagu dejiyay sanadkii 2013-ka, shir Caalamiya oo ka dhacay Dalka Bilguimka.
Sarkaalka u hadlay Xisbiga Ucid, oo ka hadlayay kulan balaadhan oo Xisbigu ku qabsaday Magaalada Burco, kaasoo ay ka soo qayb-galeen xubno sar-sare oo hogaanka Xisbiga ka mid ah, ayaa sidoo kale dhaliilay qaabka ay u shaqayso wasaaradda arrimaha dibada Somaliland.
“Wasaarad arrimo dabadeed oo inoo maqani ma jirto, waxaanay noqotay mid Boorso lagu sito oo xataa xuquuqdii somaliland lahayd lagu duudsiyay, waxay inoo soo kordhiso daaye”ayuu yidhi Mr Budhle.
Xoghayaha ayaa isagoo hadalkiisa sii wata intaasi ku daray “Waad ka war heysaan Heshiisyada Caalamiga ah ee la galay, waxa ka mid ah New Deal-ka waxa la yidhaahdo, waxa laga daba keenay mid kale oo la yidhaahdo SSA(Somaliland Especial Arrangements, SSA iyo New Deal, wax farqi ah oo u dhexeeyaa ma jiro, waxaan ahayn Somaliland si gaar ah ayaa loola dhaqmayaa ilaa laga gaadhayo 2016-ka.
Waxa adduun weynaha laga dhaadhiciyay in Somaliland iyo Somalia wada hadalo u socdaan oo somaliland aanay qadiyaddeedu meel dheer jrin ee ay qaddiyadi qaaday, si cadiifadaa loo soo dhirin-dhiriyana loo sameeyo wax la yidhaahdo SSA, taas waxaanu ka leenahay mabda’ cad wax dadka reer Somaliland qabtana ma aha.
Mana yeelayno Heshiisyadaa walaa SSA-baanan yeelayn walaa New Deal-baanan yeelaynin, walaa heshiisyada qolka madow lagu galaybaanan yeelaynin”.
Dhinaca kale, Sarkaalkan Xisbiga UCID waxa uu ku cel-celiyay inay Xisbi ahaan tir-tirayaan heshiisyadaasi hadii wakhtigu ku simo talada waddanka.
“Xisbiga Ucid hadaanu nahay ma aqbalayno wixii shacbiga Somaliland masiirkooda lagu luminayo, hadii aanu talada ku guulaysanona, waxaan idiin sheegayaa inaanu Kansalayno dhamaan heshiisyada xukuumaddu gashay ee qarannimada somaliland lagu baabi’inayo”.
Yuusuf Budhle oo sida uu sheegay degen dalka Maraykanka, ayaa fariin u diray Qurbo-joogta Somaliland, waxaanu sheegay inay dalka ka socdaan gabood-falo ka xun kuwii dawladdii Siyaad Barre lagu riday “dadka qurbo-jooga waxaan leeyahay, wixii Siyaad Barre ku samayeeyay dadka reer somaliland wax ka xun ayaa lagu hayaa, taasaanan idiin caddeynayaa”.
Halkan ka dhegeyso hadalka Xoghayaha oo dhamaystiran:-[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Yuusuf-budhle.mp3"][/audio]
Hadalkan ka soo yeedhay Xoghayaha Arrimaha Dibada Xisbiga Ucid ayaa ku soo aadaya xili ay wada hadalo u socdaan Somaliland iyo Somalia, hase ahaatee dadweynuhu aanay damaanad iyo sawir buuxa ka haysan natiijada ka soo bixi doonta wada hadaladan oo galay wareegii shanaad bishii janaury horaantii kulan ka dhacay Magaalada Anchor ee dalka Turkiga.
Saleban Kalshaale
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com